Disaster Friday: Jimco bur burkeeda wadato Kaalakandi Mukkabaaz iyo 1921 wax daawado ayaa la waayay!

Jimco bur bur ku dheehan ayay Bollywood-ka ku bilaawdeen 2018 madaama sedexdii filim ee la hadal haayay Kaalakandi Mukkabaaz iyo 1921 gabi ahaanba la waayay maanta wax usoo daawasho tagaan!

Kaalakandi, Mukkabaaz iyo 1921 waxay ka siman yihiin inay waayeen daawadayaal ku filan waxaana ka bilaabasho wanaagsan Tiger Zinda Hai oo Jimcadiisa 4-aad guda galay.

Saif Ali Khan filimkiisa Kaalakandi ayaa ugu liito xitaa wuxuu u egyahay filim C Grade ah ama musal salada xitaa ka tayo liito oo xoogaa luqada Ingiriiska lagu kaabay mana ahan wax soo jiidan karo daawadayaasha xiligaan caqliga badan.

1921 wuxuu waayay tiyaataro ku filan gaar ahaan tiyaatarada Multiplex oo aan filimkaan la saarin ayadoo lagu heshiiyay in si Digital ah xili dambe usii daayaan taasina ma ahan siyaasad wanaagsan.

Shabakada Boxoffice India oo soo daabacday filimada Kaalakandi iyo Mukkabaaz sida ay maanta kaga furmeen Mumbai iyo Delhi tiyaatarada ku yaalo hoos kaga bogo:

Mumbai (40 Cinemas)

 

Kaalakandi – 623 qof

 

 

Mukkabaaz – 442 qof

 

 

Delhi (25 cinemas)

 

Kaalakandi – 469 qof

 

 

Mukkabaaz – 376 qof

 

 

TOTAL (65 cnemas)

 

Kaalakandi – 1,092 qof

 

Mukkabaaz – 818 qof

2 Comments

  1. Sxb Zaki Filimka Vishwatma Sidaan Ognahay Waa Filim Kenya Lagu jilay Sida Mambaasa Iyo Neirobi Sidaa Daraadeed Doorka Chunky Panday Sidaa Lasocotaan Waxaa Isaga Baxay jackie Shroff Oo Xiligaas U Dhashay Wiilkiisa Tiger Shroff Marka Filimkaan Weyn Oo Abkeey Laadir La’isugu Keenay Maxaa Laga Yiri Xaalkiisa Boxoffice-ka Iyo Sheekadiisaba Scroe Nuucee ah ayuu Dhigay

Comments are closed.