Disha Patani iyo Aditya Roy Kapur ayaa kuguda jiraan xayeysiin u sameeynta Filimkooda Malang waxayna la kulmaan saxaafada qeybaheeda kala duwan iyo shabakadaha caanka ah oo wareysi la yeeshteen.

Waxaa wax laga weydiiyay nolsohooda gaarka ah xanta laga qoray misane dadka si waali ah google-ka oga baadi goobaan suaashii ugu xiisaha badned ayaa ahed in Disha la weydiyay xiriirka Tiger Shroff kala dhaxeeyo.

Si toos ah ayaa Disha loo weydiiyay hadii ay lasocoto Tiger waqtigaan misane xiriir la leedahay waxayna tiri iyadoo ka jawaabeysa,”waan jeclaan lahaa inaan Tiger xiriir la leeyahay (kadib wey qososhay).”

“Mudo sanado ah ayaa iskuday sameynayaa sidaan xiriir u sameeyn lahaa oo qof gaar ah nolsoheyda ugu xiri lahaa balse nasiibka ayaa iga hiilinaya marwalba oo calafkeyga wali ma helin.”

Waxaa la weydiiyay oo kale Tiger dhankiisa xiriir usoo bandhigtay iyadana inee mar uun iskudayday inee soo jidato Tiger waxay tiri,”Tiger sida moodeysan ma ahan waa nin dagan oo sheeko badneen, kaftan badneen wax badan ayaa iskudayey inaa soo jiito (kadib wey qososhay) xitaa waan usheegaa isaga arinkaa, marwalba waan kulana, waan wada shaqeynaa wax walbo aan iskudayey ma ahan mid soo jeedo.”

“Marka la kulantaan isaga weydiiya suaashan bal inuu idiin kaga jawaabo arka waana hubaa inuusan idiin jawaabi doonin marka aniga Tiger waligiis waxba iima sheegin waa xishood badan yahay anina waan ka daranahay labadeena midba midka kale inuu hormaro ayuu sugoyaa.”

Disha ayaa dadkii ka qoslisay hadalkana intaas ayee kuso gaba gabeysay bal akhriste maxaa kaaga baxay sheekadan Disha markaan afka ayee furatay waxba ma aysan qarin waxaana cad Tiger inuu gabadhasn jaceyl ku abuuray hadana indhaha ka eegaya uusan waxba la qabanoonin kkkk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here