Disha Patani jaceylka ay Tiger u qabto taleefoonkiisa wey baartaa mana jeclo inuu ‘Like’ saaro sawirada atirishooyinka baraha bulshada soo dhigaan

Atirishada Disha Patani  waxay filimka Baaghi 2 lasoo wadaa Tiger Shroff weliba filimkaan maalinta berito ah (21 Feb) ayaa goos gooskiisa lasoo bandhigi doonaa haka tiyaatarada la saari doono 30 Maarso 2018.

Waxaa la wada ogyahay in Disha Patani  iyo Tiger Shroff is fahan wacan ka dhaxeeyo inta badana aysan qarsanin inay yihiin lamaane is fahan.

Laakiin Movie Talkies ayaa sheegtay in Disha Patani haatan bilaawday ilaalinta jaceylkeeda Tiger sidoo kalena ay si xad dhaaf ah u jeceshahay kana cabsato in noloshiisa hablo kale la qeebsadaan madaama uu caan sii noqonaayo.

Waxaa la sheegay inta shaqada filimka Baaghi 2 socotay marwalbo in Disha Patani ay yara eegeysay Mobile-ka ama taleefoonka gacanta Tiger Shroff si ay kaga baarto fariimo isaga loo soo diray oo aysan la soconin!

Disha Patani ayaa si kaftan ku dheehan xitaa daaha ka rogtay inaysan jecleyn in Tiger Shroff marka baraha bulshada la joogo uu ka helo ama ‘Like’ saaro sawirada ay soo dhigaan atirishooyinka!

Sidoo kale Disha Patani  waxay bilaawday inay Tiger qoyskiisa aad ugu dhowaato gaar ahaan hooyadiis iyo walaashiis si ay saaxiib kaga dhigato una muujiso inay wiilkooda aad u jeceshahay.