Atiriishada caanka ah Disha Patani ayaa u dabaal dageysa 30-Million shacbiyad ah oo ay ku yeelatay Instagram-ka haderna Followers-keda 30 Million weyba sii dhaafeen maadama 24-saac iyo ka badan laga joogo.

Disha ayaa u mahadcelisay dhamaan taageerayaasheda waxay kaloo u mahadcelisay qof walba oo safarka nolosheeda soo garab qabtay in badana caawiyay sido kale kooxda Filimkeeda cusub ee Malang ayee si weyn ugu mahadcelisay.

Xidigtaan hader nolosheeda gaarka ah wiil la hubo oo ay shaaca ka qaaday xiriiir inee la leedahay majiro balse Tiger Shroff ayaa lagu xaman jiray inkastoo labadoodaba arinkaas sifiican oga jawaabin hadana Disha waxay si sarbeeb u sheegtay in Tiger jeceshahay asigase uusan dhankeeda usoo jeedin.

Dhanka shaqada waxay xayeysiin u sameyneysaa Filimkeeda xiga ee Malang kaaso uu la jilaayo Aditya Roy Kapur waana mashruuc uu Director ka yahay Filimsameyaha caan ka ah Mohit Suri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here