Atiriishada caanka noqotay Disha Patani ayaa ammaan kala duldhacday wiilka ay jeceshahay Tiger Shroff bandhigiisa taariikhiga ah ee Filimka WAR kaaso ay maantaa tiyaatarka ka daawatay baraha bulshada ayeena ku ammaantay.

Disha waxay Instagram-keeda kusoo qortay sida tan,”inaba caadi ma ahan Tiger Shroff iyo Hrithik Roshan sida ay shaashada ugu xifaaltameen si fudud waxaan kudhihi karaa waa labo atoorayaal shaashad wadaageen kuwii ugu bandhig wacnaa qarnigan cusub.”

“Guul wacan ayaa idiin rajeynaa Hrithik iyo Tiger waan ka helay sida WAR ujisheen iyo dagaalka aad soo bandhigteen Blockbuster weyn inuu noqod ayaan filaa.”

Disha ammaanta Tiger kaliya kuma aysan koobin sido kale Superstar Hrithik Roshan-na wey ka hadashay wax qabadkiisa mashruucan dunida si weyn looga hadal hayo maanta.”

Tiger iyo Disha waa lamaanayaal la isku xanto mudo dheerna xiriir wada lahaayen waxaana la filaa mustaqbalka dhow inee is guursadaan warar xan ah ayaana sheegen in 2020 aqal gali doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here