Waxaan horey idin kula wadaagnay in Stylish Star Allu Arjun sameyn doono filim weyn oo lagu magacaabo Pushpa kaasi oo ku dhawaad 5-luqadood lagu daawan doono waana filimka ugu horeeyay ee Superstar-kan hogaamiye ka yahay oo si toos ah luqada Af Hindi tiyaatarada looga daawan doono.

Haddaba mashruucan Director Sukumar agaasimayo waxaa haatan la ogaaday atirishada caanka ah ee Bollywood-ka ka dhex muuqato Disha Patani inay door muhiim kooban ku yeelan doonto balse hogaamiye kowaad kama ahan sida aan wararka ku heleyno kaliya muuqaal marti muhiim ah ayay filimka Pushpa ku yeelan doontaa.

Disha Patani waxaa la sheegay in hal hees Dance shidan la qaadi doono Allu Arjun oo qorshaha yahay in heeskan filimkan lagu suuq geeyo sidoo kalena muuqaalo kale oo kooban ayay duubi doontaa oo filimka Pushpa xidigan ku yeelan doonto waxayna duubi doontaa marka ay xaalada caadi kusoo laabato.

Disha Patani horey ayay baraha bulshada ugu sheegtay inay ka hesho Dance-ga iyo xarakaadka Allu Arjun shaashada ku sameeyo kana mid yahay xidigan atoorayaasha ay dooneyso inay mustaqbalka la shaqeyso sidaa darteed waa hubanti in Disha iska lumin doonaan fursad ay Allu Arjun qoob ka cayaar shidan kula wadaagi doonto.

Filimka Pushpa waxaa atirisho kowaad ka ah Rashmika Mandanna oo Allu Arjun shaashada jaceyl kula wadaagi doonto halka la isla dhex maraayo in ruug cadaa Suniel Shetty filimkan laadar awood badan ka noqon doono balse weli si rasmi ah arinkan looma xaqiininin qorshahana wuxuu yahay xagaaga sanadka dambe in filimkan la daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here