Disha Patani waxay kudhexjirtaa waqtigeeda ugu wacan Bollywoodka xidigtaan waxaa masraxa usaaran Filimka Malang ee ay la jilayaan Anil Kapoor, Aditya Roy Kapur iyo Kunal Kemmu.

Disha ayaa ka dhawaajisay waqtigaan la joogo inee jeceshahay sameynta Filimo dagaal ah oo iyada hogaamineso ama atiriisho kowaad katahay waxayna arinkaan sheegtay xili Twitter-ka suaalo ay kaga jawaabeysay taageerayaasheeda.

Taageere ayaa weydiiyay Filimkaada xiga door nooce jeclaan lahed inuu noqdo ama fariin nocee Filim ahaan? Waxaya ku jawaabtay sida tan,”waxaan jeclaan lahaa Filim dagaal dhameestiran ah waana rajeynaa maalin uun inaan hogaamiye ka noqon doono Filim Action ah.”

Iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay tiri,” waxaan jeclahay doorar igu cusub inaan sameeyo marka waan xiiseya doorarka kala duwan sameeyntooda” Disha waxaa lagu xamanayaa inee atiriisho ka noqoneyso Ek Villain 2 oo dagaal ah misane ku xifaaltami doonaan John Abraham iyo Aditya Roy Kapur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here