Disha Patani ayaa guul iyo nasiib wacan u rajeysay Baaghi 3 oo ay qeybtiisa labaad atiriisho ka ahed halka uu tiyaatarada u saaran yahay Malang oo hal todobaad sii dhameestay waxaana Baaghi 3 la daawan doonaa bilawga bisha Maarso.

Inaba caadi ma ahan sida looga helay goos gooska iyo iskoorada Views-ka uu dhigay sido kale heeska laga soo bandhigay ee Tiger iyo Shraddha ku xarekeyeen labo maalin kahor India ayee qabsatay waa qeybta ugu fiican Action ahaan iyo heeso ahaan taxanahan sida la isku raacay.

Hadaba Disha ayaa u hambalyeesay kooxda mashruucan si qaas ah saaxiibked Tiger Shroff iyo Shraddha Kapoor nasiib wacan ayeena u rajeysay waxay si gaar ah u ammaantau Tiger oo ay la yaabtay shaqadiisa quruxda badan.

Sida uu dagaalka u sameeyay qofwalba ayuu kusoo jiitay xidigaan waxayna tiri Disha”waa atooraha ugu shaqada adag Bollywoodka waqtigaan” oo ay ula jeedo Action-kiisa oo kale atoore sameeyn kara majiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here