Disha Salian waa gabadhii la sheegay iney is dishay 6-maalin ama 5-maalin kahor inta uusan geeriyoonin Sushant Singh Rajput hadaba maalinkii Sushant geeriyooday ilaa hada gabadhaan ayaa lagu lifaaqaa geeridiisa baal aan isla ogaano xogta kiiskeeda.

Disha Salian waxay ahed gabar 28-jir ah oo gacanyare ama xoghaye u ahaan jirtay atooraha Sushant Singh Rajput waxay kaloo la shaqeysay xidigaha Varun Sharma iyo Bharat Singh gabadhaan ayaa dabaq dheer kasoo dhacday sido kalena geeriyootay maalmo kahor geerida Sushant.

Booliska oo ilaa hada kiiskeeda ku guda jiraan waxay soo ogaadeen dhowr arin oo nolosheeda kusaabsan sida inee xiriir la laheed wiil lagu magacaabo Rohan Sai kaaso gabadhaan dhowr jeer isku dhaceen maadama uu xiriir la lahaa gabdho kale iyo atiriishooyin Bollywood katirsan.

Waalidka gabadhaan waxay sheegeyn in wiilkaas ka deyriyeen oo ay necbanaayen balse arooska labadooda u ogolaadeen farxada gabadhooda aawged maadama ay si weyn u jecled wiilkan.

Maalintii u dambeysay nolosha Disha:

Xaflad ayaa ka jirtay aqalka Disha ee magaalada Mumbai ku yiilay waxayna degeneed dhismo weyn dabaqa 14-aad ayee ku nooleed waana meesha xaflada ka dhacday sida xogta booliska sheegeyso gabadhaan ayaa goobta xaflada kula dagaashay saaxiibked Rohan.

Kadibna xaflada ayee kasoo tagtay qolkeeda ayeena isku xirtay daaqada ama dariishada ayee timid daqiiqado kadibna qeyladeeda ayaa la maqlay iyo iyadoo dhulka taalo dhiig badana ka daatay aadna u bur burtay ileen dabaqa 14-aad dhismo ah ayee kasoo booday.

Booliska ilaa hada waxay kala saari la’yihiin inee dariishada qaab shil ah ama lama filaan ah oga soo dhacday sidi Divya Bharti dariishada intee ku fariisatay culeyskeeda celin weysay oo kale mise mayee weyba isasoo tuurtay Disha waa arinka baaristiisa socoto.

Sooraj Pancholi waa laga been abuurtay waligood ma kulmin isaga iyo Disha sida booliska ogaadeen sido kale baaritaanka meedkeeda waxaa la sheegay ineysan wax uur ah laheen sidaa aawged kiiska Disha banaanka ayuu ka yahay kiiska Sushant sido kale Sushant baraha bulshada ayuu kaga tacsiyooday geerida gabadhaan inta uusan isags geeriyoonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here