Divya Bharti xiligeedii waxay kamid ahed atiriishooyinkii ugu caansanaa uguna mushaarka badnaa Bollywoodka iyadoo sanadkii 1990 bilawdat Filim jilista mudo 3-sano kaliya ayeena atiriisho ahed oo ay Bollywoodk awood balaaran ku yeelatay taas oo sii raacda inee ahed atiriishadii ugu quruxda badneed xiligaas.

Divya waxay ka dhalatay qoys hindu ah oo sanamka caabudaan waxayna ku dhalatay Mumbai inkastoo asal ahaan koonfur kasoo jeedaan qoyskeeda xidigtaan ayaa diinta hinduga kusoo bar-baartay ilaa ay atiriisho ka noqotay.

Markee atiriisho noqotay waxay isbarteen ninka lagu magacaao Sajid Nadiadwala oo qarash gareeye caan ah waqtigaan xiligaas isagoo dhalinyaro ah ayee is jeclaadeen isaga iyo Divya guur ayeena ku heshiyeen balse Sajid muslim ayuu ahaa waxuuna jecleestay in Divya diinta islaamka qaadato iyadoo muslim ahna guursado.

Divya ayaa deg deg ku aqbashay dalabkii saaxiibkeed waxayna go’aansatay inee muslim noqoto oo ay dhaqanka hinduga kasoo dhex baxdo laakiin reerkeeda ayaa hor istaageen oo diinteeda inee bedelato ayee diideen weyse ku gacanseertay Divya iyadoo ka go’need inee muslimto.

Qoyska Divya labo arin ayee miiska soo saareen buuq iyo dagaal ayaana dhacay labadaas arin waxay ahaayen in Divya diinta hinduga heysato sidaasna lagu guursado hadii ay ku adkeysato inee islaam noqotana ay cideeda deyrin doonaan dib dambena usheegan doonin hadaba Divya ayaa qaadatay go’aan ah inee muslimto reerkeedana ka sabirto iyadoo diinta islaamka iyo ninkeeda dooratay.

Sidaas ayaa Divya lagy guursaday waliba nikaaxa diinta islaamka ayuu Sajid ku mehersaday waalidkeedana kama qeyb galin arooskas ayagoo ka sabreen gabadhooda mudo hal sano iyo dhowr bil markee wada noolaayen Divya wey geeriyootay.

Dabaq Mumbai kuyaalo oo ay daganaayen iyada iyo seygeeda ayee habeenimo kasoo dhacday dariishada sidaas ayeena ku naf baxday ninkeeda Sajid Nadiadwala dhowr bil ayuu xanuunsanaa geerida xaaskiisa aawgii naxdiintii uu naxay nafsadiisa ayaa halis gashay.

Dagaal iyo buuq ayaa dhashtay ayadoo la isku qabsaday qaabkii meeydka Divya loo asturi lahaa:

Divya qoyskii ay ka dhalatay ayaa go’aansadeen in gabadhooda hab hindu ah loi asturo meeydkeeda oo la gubi halka Sajid Nadiadwala iyo qoyskiisa oo gabadha qabeen ay rabeen in la duugo oo dhulka dhinaceeda la dhigo sida muslimkaba isku duugaan dood dheer ayaa dhalatay heer maxkamad ayaana la isla gaaray.

Ugu dambeyn qoyska Divya ka dhalatay ayaana loo xukmiyay in meeydka gabadhooda gubaan waxaana usabab ah in dadka muslimiinta hindiya kunool laga tiro badan yahay Sajid cadaalad daor ayuu la kulmay asoo xaq u lahaa in xaaskiisa hab muslim ah u duugo ayaa laga xoogay waana la gubay xaaskiisa oo muslim ah.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka Divya Bharti meeydkeeda lagu gubay waa arin taariikh ah marwalbana la xusi doono ninka garbaha lahaayo waa ninkeeda Sajid oo shock qaaday Amrish Puri, Tabu, Hema Malini iyi jilayaal badan ayaa muuqaalka ka muuqdaan waana xili ay 19-jir ahed Divya marke geeriyooneysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here