Divya Dutta waa mid kamid ah atiriishooyinka Bollywoodka ilaa bilawgii qarnigaan ayee fanka kasoo shaqeyneysay balse atiriishadan ma noqon ama ma gaarin darajadii ay Bollywood ka rabtay maadama la xaqiray boosas fiicana kama heli jirin dhanka aflaamta.

Waxay ku guuleysatay abaal marinta National Filim Award taasi ayaa ka maragkaceysa inee qaab jiliin wanaagsantahay sido kale aflaamteeda ugu caansan waxaa kamid ah Veer-Zaara, Badlapur, Bhaag Milkha Bhaag iyo kuwa kale oo lagu ammaanay bandhig ahaan.

Divya oo ka hadleysa in aflaam badan laga saaray sido kalena is qaraabeysi ahaan loola dhaqmay ayaa tiri,”Bollywood is qaraabeysi waligeed ayuu ka jiray ee ma ahan wax hader bilaawday waxaa la iga saaray ilaa 8-Filim caan ah oo inta markii hore saxiixday ayaa markii dambe la iga saarayey sabab la xriiray dadka filimkaas iska leh kuwa ehelkooda ah ayee booskeyga siin jireen.”

“Inta filim saxiixdo ayaa la iga saaraa misane atiriisho cusub la igu bedelaa oo qaraabo la ah kooxda Filimka markaasa anigana iska ooyi jiray wax badan waxaase marwalba garabkeyga ahed hooyadey oo niyada iidhisi jiray adeeg muujina I dhihi jirtay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here