Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku tagay dalka India sido kalena madaxda ugu sareyso dalkaas ayuu la kulmay sida Raiisul wasaaraha India Narendra Modi arimo dan u ah labadooda dal ayuuna kulankaan ujeedkiisa ahaa iyo Trump oo India dalxiis kale u yimid.

Goobaha uu booqasho ahaan u tagay waxaa kamid ah sarta Taj Mahal ee quruxda badan waana meel kamid ah goobaha dunida ugu quruxda badan intaas waxaa sii dheer inuu ka qudbeeyay garoon aad u weyn oo kubada cagta lagu ciyaaro.

Tirada dadka halkaas kasoo qeyb galeen boqolaal kun oo dad Hindi ah ayaa isugu imaadeen midaas waxay ka yaabisay Trump oo indhihiisa ku arkay dad sidaan dhan usoo dhaweyeen hadaba maqaalka dulucdiisa ayaa ah in Trumo goobta ka sheegay aflaamta hindiya sameyeen kuwa uu ugu jecelyahay.

Mar uu hadlaayey waxuu yiri,”waan ku faannaa Filimada hindiga ah sida kuwa jaceylka iyo arimaha qoyska ka hadlaan sido kale waxaan si gaar ah ugu faannaa Filimo ay kamid yihiin DDLJ iyo Sholay” intaas ayuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa ku aadanaa fanka hindiya.

DDLJ oo Shah Rukh Khan iyo Kajol hogaamiyeen iyo Sholay oo Dharmendra iyo Amitabh Bachchan hogaamiyeen waa labada Filim ugu caansan dunida ee Hindiya sameyeen daafaha caalamka aflaamta hindiga loogu jecel yahay ayee noqdeen marka loo fiiriyo shaqsiyaadka jecel oo aad u badan Trump madax ka horeyeen oo laga haayo inee DDLJ jecel yihiin ayaa jiraan misane Mareykanka soo maamuleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here