Suaasha ah yaa atoore kowaad ka ahaa Filimkii caanka ahaa ee Mohra jawaabteeda waa mid dad badan ku murmeen dood badana dhalisay haba ugu horeyaane qabiiro waaweyn balse jawaabaha dadka bixiyeen wey kala duwanaayen.

Kuwa waxay taageerayeen Akshay Kumar halka kuwa kalena Suniel Shetty taageerayeen waxaase jiraan kuwa iyaga side wax u arkeen iyo fikirkooda kaga jawaabeen hadaba shabakada Filimside jawaabta ay ka bixineyso arinkaas maxay tahay kadibna waxaan ogaan doonaa fikirka akhristayaasheeda waanba hubnaa inee dood abuureyso.

Mohra waxaa la daawaday sanadkii 1994 hadaba sanadkaas wixii ka horeeyay Akshay Kumar iyo Suniel Shetty isku maqaam ayee ahaayen sido kalena ma ahen xidigo dhameestiran (Star) balse waxay ahaayen xidigo haaf ah ama Mini-Star sida shabakada Box-office-India hada kahor ku dhawaaqday.

Sidaa aawged labadan atoore waxay xidigo dhameestiran oo Filim awoodooda ku iibin karaan ku noqdeen Filimka Mohra, mashruucaas wixii ka dambeeyay ayee xidigo noqdeen inkasto markii dambe ama dhamaadkii 90-maadkii Suniel Shetty guulo badnaa halka Akki dhulka galay.

Doorarkooda Filimka Mohra:

Door ahaan labadooda wey ka sinaayeen oo waa loo kala baray door ahaan balse doorka Suniel Shetty ayaa saameeyn badnaaday dadkii daawadeen badankoodna sidaas ayee isku raaceen saameyn badnaanshaha kama dhigno waa atooraha kowaad ee waxaa laga wadaa qeybtii Suniel jilay ayaa xiiso lahed ama dhadhan laheed daawadayaashana dareen ahaan soo jiidatay.

Doorkii Suniel waa mid tan iyo maanta lagu ammaano Filimkaas sida uu doorkiisa kaga baxsaday saameeyn qoto-dheer ayuu ku yeeshtay quluubta dadweynaha laakiin marka ladhaho yaa door weyn cidna labadooda ma doorweyna waa isku mid sida Karan-Arjun ay door ahaan iskumid u ahaayen Salman Khan iyo Shah Rukh Khan ayee Akshay iyo Suniel isku mid u ahaayen.

Balse Mohra waxaa saameeyn badnaa Suniel Shetty halka Karan-Arjun uu saameeyn badnaa Salman Khan intaas marka laga soo gudbo Filim laba atoore jilayaan sidee lagu cabira ama lagu ogaan karaa atooraha kowaad ee Filimka jawaabta wey sahlantahay.

Jawaabta waxay noqonee marka kowaad waxaa la fiirina doorarkooda midka weyn iyo hadii aysan isku mid ahen tusaale Karan-Arjun doorarkooda waa iskumid labada atoore waxaana la daawaday sanadkii 1995 xiligaasna awooda atoorayaasha kaalinta kowaad Shah Rukh Khan ayaa kujiray guud ahaan Bollywoodka marka in la fiiriyo doorka atooraha la siiyay waqti ahaan iyo sida Filimka u maamulaayo waa lama huraan si loo ogaado atooraha door weyn labadooda.

Mida labaad ee lagu ogaan karo waa in labada atoore Filimka sameynayaan midkood awood badan yahay tusaale Darr waxaa wada sameyeen Sunny Deol iyo Shah Rukh Khan inkastoo SRK libinta qaatay ama saameeyn badnaa hadana Sunny Deol ayaa ahaa atooraha kowaad Filimka sababto ah Star Power weyn ayuu lahaa awoodiisa ayaana cirka kujirtay fakta hore ee Filimkana isaga iibiyay.

Si lamid ah Filimka Sholay Dharmendra ayaa ah atooraha kowaad waxuuna ku noqday inuu awood waali ah lahaa xiligaa balse Amitabh Bachchan ayaa libinta iyo saameynta Filimka la tagay jawaabtii Filimside ee ku aadaned yaa atoore kowaad ka ahaa Filimka Mohra Akshay mise Suniel intaas ayaa kusoo gaba gabeynena..

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here