Waxaa Filim fiican Sanjay Dutt marka la dhaho qiimeynta Sheekada Filimka Sanju waxuu sameeyay aflaam Classic ah sheeko ahaan sida Vaastav, Munna Bhai, Lage Raho Munna Bhai, Saajan, Khalnayak iyo Naam.

Balse aflaamtiisa ugu sheekada fiican waa kuwa guulaha ugu fiican gaareen misane lala hogaamiyay. Marka qaab-jiliin ladhaho waxaa in badan fiican Sunny Deol umana baahna Filim sheekadiisa xun ama fiican ee dadka tiyaatarka waxay u aadaan isaga dartiisa iyo jiliinkiisa balse Dutt waxuu u baahan yahay Filim dhanwalba ka fiican si uu daawadayaal fiican uhelo.

Sunny waxuu sameeyay aflaam sheeko ahaan iska liitaan ama dhex dhexaad ah hadana guulo waaweyn ayuu gaarsiiyay sida Ziddi, Jeet, Indian, Tridev, Viswatma iyo kuwa kale hadana guulaha ay gaareen uma qalmin sheekadooda oo iska dhex dhexaad ahed aawged.

Laakiin jiliinkiisa oo heer sare ah daawadayaashana jeclaadeen ayaa aflaamtaas lagu joojin waayey balse Sanju Filim dhex dhexaad ah qaab jiliinkiisa guul kuma gaarsiin karo waxuu u baahan yahay Filim top ah xidigo waaweyn la jilayaan. Al-muhiim Sunny waalaga filim fiican yahay lkn qaab jiliin laguma gaaro Sanju waxaa lala bar bardhigi karaa Anil Kapoor iyo ragga kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here