Wax ka yar 5 daqiiqo sii qoraalkan faaidada leh:

Aqoon-yahan-ka: Sheekhow ma dambi baa hadaan dhaho gaalada wey naga Cilmi badan yihiin, naga Caqli badan yihiin sido kalena naga Qurux badan yihiin?

Sheekha: Iyaggu (Gaalada) Jirkooda ayee qurxiyaan anaggana (Muslimka) Qalbiyadeena ayaan qurxinaa marka isku mid maba nihin dhanka quruxda.

Aqoon-yahan-ka: Waa runtaa Sheekh waana kugu waafaqay middaa ee adna ma igu raacday in ay naga Caqli iyo Cilmi badan yihiin?

Sheekha: Maya waan kaa diiday…. Aqoon-yahan-ka:Sideed ku dhihi kartaa Sheekhow sidaas anagoo og in dunida maanta gaalada ugu awood badan yihiin, cilmina aan lagu gaarin oo iyaga ayaa loo cilmi doontaa sido kalena wadamadooda waa kuwa ugu hormarsan dunida

Sheekha: Gaalada waqtigooda ugu badan intee nool yihiin waxay ku mashquulaan sidee lacag iyo awood ku heli lahaayeen Muslimkana waqtigooda Cibaadada Illaahay ayee ku lumiyeen iyo waqti yaroo qoyskooda la dhaqmaan nolol maal-meedna ku raadsadaan. Ninka gaalka ah ee siduu lacag u shaqeysanaayey bidaar ku gashay markuu geeriyoodo Dabaqyadii dhaa-dheeraa, Qasnadihii lacagta ka buuxeen intaba wuu ka tagi. Hal isku joog oo labiskiisa kamid ah ayaa lagu galbin isagoo Sanduuq kujira Ciiddana laga hoos marin, ama inta maryo loo xiro ayaa la gubi Cilmigii iyo Lacagtii wey ka hareen.

Balse Muslim hadaa nahay Camalkeena wanaagsan ayaa Qabriga nala galaan ehelkeena iyo kisyaroo hanti ah ayaan ka tagnaa ugu badnaan, maalkeena (Camalka) ayaan Qabriga dhexdiisa kula Raaxeysanaa. Halka gaalka Faqiirnimo iyo dhib dhexda ka galaayo Cadaab aakhirana u dhiman yahay..

Bal adiga iiga jawaab yaa Caqli badan labadaa qolo yaase Hanti badan? Aqoon-yahan-ka:Sheekhow jawaabta waa Muslimka balse aniga aduunka ayaa ka hadlaayey adna aakhira ila aaday?

Sheekha: Illaahay soo nama dhihin nimcada aduunyada 10 jibaarkeeda iyo ka badan aakhiree taalaa e u shaqeysta marka Hanti aan dunida oga tageeno maxaan ku faleynaa hadiiba aan shaqeysan karno Hanti Qiyaamo aan u hormarsan karno….

Aqoon-yahan-ka:Waad mahadsantahay Sheekh Waan ku qancay hadalkaada maxaa farriin ii reebi laheed koley waad sii socotaaye? Sheekha:Waxaan kudhihi lahaa aduunyo wey sii socotaa aakhirana wey soo socotaa mid walbaana Caruur ayee wadataa markaa kamid noqo caruurto aakhiro.

Camal wanaagsana sameey si aad maalinta Qiyaamo oga mid noqoto Taajiriinta Jannada ku waaraan ee ah kuwa Basharka ugu Caqliga badan, Cilmi iyo Hantina lagu gaarin. Aqoon-yahan-ka:Mahadsanid Sheekh illaahay hakaa abaal mariyo…

F.G: Walaal Doodddan waa Khiyaali aan aniga sameeyay hadii aad ka heshay Share dheh wixii suaal ku saabsan mowduuca waad i weydiin kartaa, waana ku mahadsantahay waqtiga galisay akhriskeeda..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here