Qisadii jaceyl ee dhexmartay Shahid Kapoor iyo Kareena Kapoor waligeed waa la wad-wadi doonaa xitaa hadee xidigahan geeriyoodsan sababto ah mar ayee ahaayen lamaanaha ugu awooda badan Bollywoodka jaceylkoodana daafaha caalamka lagala socday.

Balse halmar ayee taageeryaashooda niyada ka dileen kadib markee kala tageen marnaba la isma laheen wey kala tagayaan calafkooda ayaase kala geeyay mid walbana maanta noloshisa gaar ah ayuu sii watay caruur ayaana u joogaan shaqsiyaad kale ayeena kala guursadeen.

Sikaste ahaataba ilaa hada wanaag fiican iyo xiriir fiican kama dhaxeyo lamaanihii hore hadee xaflad ku kulmaan wax salaam ah ma dhexmarto waxaad mooda dhanka Kareena inuu xanaaqa u badan yahay oo atiriishadan weyba is moodsiisaa inuu Shahid ahaa wiilkii dunida ay ugu jecleed wada shaqeyn filimna soo dhexmartay.

Shalay iyadoo shabakada Filimfare wareysi sii neyso waxaa lagu weydiiyay filimka ugu weyn sanadkaan Bollywoodka ee Kabir Singh kaaso noqday Big Hit iyo midka lacagaha ugu badan soo xareeyay India-na si weyn looga hadal hayo.

Ugu horeyn waxay sheegtay ineysan wali daawan filimkaan kadibna waxay raacisay ineysan ka helin doorka Kabir Singh ee Shahid Filimka kujilay waana doorka sida weyn looga hadal hayo hindiya aadna looga helay dadka qaar ayaa hadalka Kareena u fahmeen inuu yahay mid jees jees iyo kibir ah.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,”horta wali ma daawan Filimkaas waana filim si weyn dadka u hadal hayaan ganacsi fiicana sameeyay waan ku faraxsanahay midaas balse aniga dooqeyga maba ahan doorka Kabir Singh.”

“Doorkaas waxaad moodaa xoogaa in dumarka lagu bahdilaayo aniga kama helin sida la sheeg sheegayey waanse ku faraxsanahay guusha weyn uu gaaray ganacsi ahaan iyo sidee dadka u jecel yihiin waana daawan doonaa markaa fursad helo.”

Dadka qaar ayaa leh sababta Kareena ugu hambalyen weysay Shahid Kapoor maxay tahay intii la wareysanaayey isagoo mudnaa inee si gaar ah ugu hambalyeso lana xiriirto maadama Shahid nolosheeda hore qeyb ka ahaa ilaa hada Kareena wey iska fogeysaa Shahid dhanwalba sababtana lama oga hadii noloshii hore laga soo gudbay ine iska ilaawdo ayee ahed ayee leeyihiin saxaafada hindiya.

2 COMMENTS

    • Waa runtaa doorkaas wey ka hadashay wareysiga ayaa qeybo kala ah waan keenenaa oraahdeedaa doorkaas balse midka Shahidna wey dhaliishay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here