Waxaa maanta si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska dhameestiran ee Filimka Good Newwz kaaso sida weyn loo wada sugaayey waxaana hogaamiyaal ka ah Akshay Kumar, Kareena Kapoor, Diljit Dosanjh iyo Kiara Advani.

Dadkii daawadeen 2 saac kahor goos gooskan ilaa hada wey kasii sheekeynayaan qosol ayaa lagu jiraa wali inaba caadi ma ahan habka loo soo agaasimay mashruucan goos gooskiisa hubaal ahaana sanadka cusub dadka qosol wey ka dharki doonaan markale Khiladi mashruuc shactiro ayuu la yimid hoos kaga bogo sharaxaad ku saabsan goos gooska Good Newwz:

Waa Filim shactiro iyo arimaha qoyska isku dhexjiro ah waxuuna ka hadlaa lamaane ku dhiban sidee caruur ku dhali lahaayen markee waxay qabtaan waayaan ayee garab ka doonanayaan xarunta caafimaadka ee IVF Clinic bal si ay kaga caawiso talo ahaan iyo daawo ahaanba in lamaanahan caruur dhalaan.

Lamaanahan kudhiban inee ubad helaan waxaa la dhahaa Mr and Mrs Batra (Mudane Batra iyo xaaskiisa) oo ay kala jilayaan Akshay Kumar iyo Kareena Kapoor waa lamaane nolol raaxo leh kunool hantina heeestaan balse caruur ka maqan wax walbo ay sameyaana Kareena uur ma qaadeyso waana sababta au xaruntaan u imaanayaan.

Xarunta waxaa lagu caawiyaa lamaanaha ubad la’aanta ku dhacday, haweney uur qaadi karin iyo shaqsi kaligiis waalid noqdo rabo waxkalena ma sameyaan ee shahwada lamaanayaasha ayee bacramiyaan ama habeyaan kadibna haweyneyda ugu beeraan xaalka markuu halkaas maraayo Akshay iyo Kareena waxay isla isbitaalka ku arkayaan lamaane kale oo dhibkooda mid lamid ah heesto.

Arinta ugu xiisaha badan ayaa ah in isku magac yihiin oo Iyagana ladhaho Mr and Mrs Badra waxaana doorarkaas jilayaan Diljit Dosanjh iyo Kiara Advani oo iyagana lamaane reer Punjab ah kuna dhiban inee caruur dhalaan sida Akki iyo Bebo oo kale sheekada halmar ayee qasmee wax walbana lagu jaha wareera kadib markii isku qasmaan oo isdhaaf uu ka dhaco shahwada (Sperm-da) Ragga.

Qoloda isbitaalka ayaa isku qasayaan shahwadii la bacramin lahaa ee Ragga waxaana dhacaayo isdhaaf sida dhamaadka goos gooska laga arki karo Kareena waxay foolane oo ay dhalee Diljit Dosanjh oo yar halkii laga rabay Akshay Kumar oo yar inee dhasho qosolka aduunka ayaa ka dhacay halkaa kkkkk.

Maxaa laga yiro goos gooska maanta: reer hindiya ilaa hada wey qoslayaan Twitter-ka, FB, Instagram maanta meel walba baraha bulshada ah Good Newwz ayaa lagu hadal hayaa ileen uurkii ay qaadeen hablaha nala filaayey aqbaar wanaagsan iyo in lamaane walba caruurtiisa helo ayaa isdhaaf Sperm dhacaayo daawadayaasha Blockbuster ayee u saadaaliyeen mashruucan.

Sanadka cusub qosol iyo shactiro waa laga dharki doonaa akhriste hadii aadan daawan goos gooskan marke hoos ka daawo…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here