Sugitaanka Filimka Brahmastra aad ayuu u fogaaday waxuuna qorshaha ahaa in Aug sanadkaan 2019 tiyaatarada la saaro balse duubistiisa oo dheeraatay iyo farsamooyinka aalada VFX oo wali lagu guda jiro aawged xaggaagga dambe 2020 ayuu udib dhacay oo la daawan doonaa.

Ranbir Kapoor Filimka waxuu kujilaa wiil nolol hoose ku nool kaaso gacantiisa dab sii deyneyso micnaha waxuu awood u leeyahay inuu dab wax ku gumaado sidaa aawged sida dhagax oo kale ayuu dab holac ah u tuuraa oo gacantiisa kasoo dhex baxeyso waa sida uu Filimka ku jilaayo halka Alia Bhatt kujileyso gabar jecel wiilkan waana mashruuc Super Hero ah.

Mouni Roy ayaa laadar ka ah Filimkaan sido kale Big B inuu door xumaan ah kujilaayo ayee u badan tahay inkastoo doorkiisa si rasmi loo shaacinin balse waxaa la ogaaday doorka Superstar-ka koonfur India Nagarjuna uu Filimka ku jilaayo.

Nagarjuna waa macalin arday eato waxna baro doorkiisa Filimkana waa sida balse noloshiisa Shiva (Ranbir Kapoor) iyo Isha (Alia Bhatt) ayaa kusoo biirayaan halkaas ayeena ku midowayaan si ay kaga hortagaan cadowga halista badsn ee Mouni Roy.

Sido kale Filimkaan waxaa muuqaal marti ah kuleh Shah Rukh Khan hadana doorkiisa asd iyo asd ayuu muhiim ugu yahay Filimka maadama uu caawinaayo Ranbir xili uu caawinaad weyn u baahan yahay filimka waa Superhero inaba aan caadi ahen dagaalka jilayaasha dhexmaraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here