Irrfan Khan iyo Rishi Kapoor waa labo jilaa fanka Hindiya kawada tirsan balse aan isku maqaam ahen waxaa in badan sareeyay Rishi oo mudo dheer jilaa soo ahaa wax badana soo qabtay hadana labadan jilaa waxay kala ahaayen Muslim iyo Hindu.

Dowlada Hindiya ayaa lagu dhaliilay in Irrfan Khan maamuus u sameyn weyday markii ay hooyadiis geeriyootay halka Rishi Kapoor maamuus gaar ah loo sameeyay hadaba maxuu yahay arinkaas.?

Maalintuu Irrfan geeriyoonaayey 4-maalin kahor waxaa geeriyootay hooyadiis isaga dhashay oo ay labo gobol kala joogeyn waxuuna awoodi waayey jilaagan inuu usoo safro si uu tacsida kaga qeyb galo ileen bandow ayaa hindiya ka jiray mana loo fasixin sidaa aawged muuqaal Video Live ah ayuu ku daawaday qaabkii tacsida hooyadiis loo dhigay.

Irrfan markee hooyadiis dhimatay murugo ayuu ka qaaday wuuna la xanuunsaday ilaa ugu dambeyn xanuun kusoo booday oo darran misane isbitaal loola cararay balse 4-maalin ayuuba iska xanuunsanaa ugu dambeyn caabuqa mindhicirada ayaa ku darnaaday wuuna dhintay hadii coronavirus jiri laheen Irrfan si toos ah ayuu u imaan lahaa tacsida hooyadiis.

Dhanka kale inkastoo waqtigiisa dhamaaday hadana xanuuno hore uu u qabay iyi murugada geerida hooyadiis ayuu sababsaday jilaagan dowlada hindiya wey awooday ine Irrfan gaadiid gaar ah soo saarto maadsms xidig weyn yahay si uu duugta hooyadiis kaga qeyb galo balse sharciga bandowga ayee ilaalisay.

Maxuma midaas maxay u ilaalin weyday sharciga bandowga markuu geeriyooday Rishi Kapoor? Rishi Kapoor wuu geeriyooday kadib gabadhiisa Ridhima Kapoor oo Delhi joogto ayaa safar soo aaday dhanka Mumbai ah dowlada ayaana u fasaxday waliba wasiirka arimaha gudaha India ayaa ku amray in gabadhaas safarka dhulka ah loo fasaxo gaari ayaana lasoo saaray waxaana xusid mudan in iyada darteed 4-qof kale oo shacab ah loo fasaxay inee Mumbai safar usoo galaan 18-saacadood ayeena wadada kusoo jireen ugu dambeyna Mumbai ayee imaadeen inkastoo Ridhima kasoo daahday tacsida aabahed hadana safarka waa loo fasaxay weyna timid.

Irrfan Khan looma maamuusiin sidii Rishi Kapoor loo maamuusay waana wax iska cad midaas waxaanse ku gaba gabeyneynaa maqaalkeena in Rishi Kapoor ka xaq badan yahay Irrfan Khan marka laga hadlo dhanka fanka hindiya waayo 50-sano ayuu shaqeynaayey xidigaan gacan weyn ayuuna ka geestay sare ukaca fanka hindiya oo qeyb ka ah nolosha reer hindiya.

5 COMMENTS

  1. Yaab badana hadaan aragtidayda ka hadlo waa khalad in irfan khan loo fasixi waayey duugta hooyadi lkn mid baan diidanahay rishi kapoor familygiusa ayaa tirada ka batay warqad ay ku qorantahay baan arkay inta loo ogolaaday iney meedka raacan reer kapoor waxa soo raacay waa abhishek bhachan oo ranbir saxiibo yihiin waliba ina ogtahay iyo in kale abhi walaashi waxaa qaba ranbir ina eedadi qofka kale lasocaday waa ayan mukhreji waana saaxibka koowaad ee ranbir iyo Alia bhat oo aan hada dhihi karno Alia bhat kapoor kkkkkkkk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here