Filimka Dream Girl ee uu hogaamiyaha ka yahay Ayushmann Khurrana ayaa si weyn u gadmay maalintiisa 8-aad waxuuna keenay 5 Crore ilaa 5.25 Crore inta u dhaxeysa hoos udhacana kaliya 10% ayuu noqday marka khamiis lala bar bardhigo waxaana ugu wacneed inuu Chhichhore loolan adag kala kulmay.

Mashruucan hader waa Super Hit waxuuna ku socdaa siduu kusoo qaban lahaa Chhichhore oo 3 todobaad dhameestay waxaana laga rabaa todobaadkiisa labaad iyo midka seddexaadba inuu is celiyo.

2 October waxaa tiyaatarada la wareegayo filimka WAR marka labadan filim fursad ay ganacsi wacan ku sameeyn karaan ayee heystaan waxaana la dhowrayaa qofka ganacsi wacan sameeyo maalmaha dhiman inta WAR laga daawanaayo.

Wadarta guud hader Dream Girl waxuu marayaa 75 Crore waxaana muuqata inuu sare u dhaafi doono 90 Crore isniinta ama talaadada marka la gaaro fadlan hoos kaga bogo Dream Girl ganacsigiisa maalin laha ah:

Jimco: 9.50 Crore

Sabti: 16 Crore

Axad: 18 Crore

Isniin 7.25 Crore

Talaado: 7.25 Crore

Arbaco 6.50 Crore

Khamiis:5.75 Crore

Todobaadka Kowaad: 69.75 Crore (qiyaas)

Jimco Labaad: 5 Crore

Wadarta Guud: 74.75 Crore (Trade Figure).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here