Chhichhore ayaa si adag isku celiyay maalintiisa kowaad waxuuna keenay qiyaas ahaa 5 Crore waana ganacsi wacan marka loo fiiriyo in maalintiisa 8-aad tahay inkastoo 30% uu hoos udhacay balse sida uu kusocdo waa heer sare meel wanaagsan ayuuna hiigsan doonaa.

Inkastoo uu loolan adag kala kulmaayo mashruuca Dream Girl oo tiyaatarada kucusub hadana ganacsigiisa waa mid wanaagsan balse 2 todobaad ayuu fursad heesta uu kula tartami doono Dream Girl tiyaatarada.

Maadama 2 October tiyaatarada la wareegi doono Filimka weyn ee WAR kaaso si waali ah loo wada sugaayo, ganacsiga guud ee Chhichhore hader waa 72 Crore fursad kale uu sare ugu kaco ayuu heesta maadama Sabti iyo axad la galaayo.

Dhanka kale Filimka Dream Girl ayaa si wanaagsan ku bilaawday maanta oo jimco ahed waxuuna keenay 9.50 Crore qiyaasti maalintiisa kowaad inkasto ganacsigiisa rasmiga ah maalinta berito la ogaan doono.

Mashruucan bilaawashadiisa ma xuma sababto ah waxuu ka bilaawasho wanaagsan yahay aflaam waaweyn oo sanadkaan la daawaday sida De De Pyaar De, Uri, Luka Chuppi, Chhuchhorr iyo kuwa kale waxuuna noqday Ayushmann Khurrana Filimkiisa lacagaha ugu badan keeno maalinta kowaad.

De De Pyaar De iyo Uri waxay noqdeen aflaam ganacsi wacan oo heer sare ah sameyeen marki dambe waxaa la filaa in Dream Girl wadadooda qaadi doono hader ganacsigiisa ugu wacan waxuu ka sameeynayaa Delhi/NCR iyo Mumbai hareeraheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here