Ayushmann Khurrana mudooyinkaan dambe wacdaro cajiib ah ayuu ka dhigayaa Box-office-ka filimkiisa tiyaatarada saaran ee Dream Girl ayaa ganacsi adag sameeynaya.

Isniintiisa labaad waxuu keenay 3.50 Crore wadarta guudna hader waxuu marayaa 98.50 Crore waa guul weyn oo usoo hoyotay kooxda mashruucan maanta ayuuna si rasmi ah 100 Crore u gaari doonaa.

Sido kale todobaadkiisa labaad kaliya 38 crore inuu keeno ayaa hader lasii qiyaasaya marka laga eego hanaanka uu kusocdo mida kaliya ee qof walba sugaayo ayaa ah in Dream Girl ganacsi ahaan soo qaban karo Badhaai Ho waxaa kaloo la fiirin doonaa hadii uu Hit ahaan ka weynaan doono mashruuca Chhichhore ee masraxa saaran.

Shabakada BOI waxay sheegtay hadii Dream Girl masraxa ku hormari lahaa in saacan Chhichhore xili hore la dhaafi lahaa oo la qaban laheen balse hada Chhichhore ayaaba hal todobaad horeeyo waana howl weyn oo u taalo mashruuca Dream Girl.

Hoos kaga bogo ganacsiga maalin laha ah ee Dream Girl box-office-ka ka sameeyay:

Todobaadka Kowaad: 70.12 Crore (Rasmi)

Jimco labaad: 5 Crore

Sabti Labaad: 9 Crore

Axad Labaad: 10.75 Crore

Isniin Labaad: 3.50 Crore

Wadarta Guud: 98.37 Crore (Trade Figure) (Qiyaas)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here