Brock Lesnar waxaa loogu yeeraa ‘Bahalka’ waa dilaa aan jixin jix aqoon waana mid ka mid ah xiddigihii ugu waaweynaa taariikhda shirkada WWE. Wuxuu ku guuleystay koobab badan markii ​​ugu horreeyay ee WWE uu ka soo muuqday , Lesnar wuxuu noqday horyalka adduunka isagoona noqday d’yarkii ugu yaraa taariikhda shirkadda.

Lesnar xirfadiisa kaliya kuma ekeen ciyaarista Nusaaricada wuxuu sii kale aaday ciyaarta miisaanka culus ee UFC oo ah ciyaar qanjaha leeska tumo aan wax naxriis ah jirin isagoona bilado badan ku guulestay. Wuxuu dib ug soo laabtay WWE wuxuuna si xun u xasuuqay ciyaartoydi halkaas joogtay.

Lesnar waa bahal ma nexe ah oo aan naxriis leheen wuxuuna ku caan baxay jebinta gacmaha si weyn ayaana loogu baqaa shirkada WWE dhowr jeer ayaana xabsiga la dhigay ka dib markuu jir dil u geestay ciyaartoy aan dagaal kala dhexeen.

Lesner ayaa qaadaayay 4 tii sanno ee la soo dhaafay bandhiga sanad laha ee WrestleMania oo xitaa wuxuu noqday ninka garaacay oo ka badiyay halyeeyga Wrestle Mania ee The Undertaker.

Goldberg, Roman Reigns, Seth Rollins, Rey Mysterio, The Undertaker, Ricochet, AJ Styles, Randy Orton, iyo Daniel Bryan waa magacyada ciyaartoydi uu ku garaacay Wrestle Mania Halyeeygii hore ee UFC Cain Velasquez ayaa isna isku dayay inuu la dagaalamo Brock laakiin waxaa la taliyay saaxibadiisa.

Bahalka wuxuu xaq u leeyahay hadda in uu la ciyaaro’ Drew McIntyre maadaama uu ku soo guulestay Royal Rumble dadka ayaana is weedinaya waxa ku dhici doono McIntyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here