Dukaanlihii filimka Pailwaan si xatooyo ah u iibinaayay oo xabsiga la dhigay!

0
565

Kooxda filimka Pailwaan iska leh waxay shaaca ka qaadeen in 5 Crore qasaaro ah la kulmeen kadib markii filimkooda xatooyo lagu sameeyay kadibna si Online ah qadka loo soo dhigay weliba nus malyuun download ah ayaa filimkan lagu sameeyay markii qadka si xatooyo ah loo soo dhigay.

Haatan booliska magaalada Bengalore waxay gacanta ku dhigeen dukaanle Mobile ka iibiyo oo 32 jir ah kaasi oo filimka Pailwaab dadka kaga gadaayo 10 Rupees oo 15 cent US doolar u dhiganto dadka deegaanka ayaa sheegeen.

Ninkaan Parveen la dhaho xabsiga ayaa la dhigay waxaana talaabadan soo dhaweesay Swapna Krishna oo ah gabadha filimka Pailwaan maal galisay.

Sidoo kale maalmo ka hor booliska gobolka Karnataka waxay gacanta kusoo dhigeen wiil 19 jir arday oo Facebook soo galiyay filimka Pailwaan oo dhameestiran waana arin muujineyso baaxada ay leedahay xatooyada balaaran ee filimka Pailwaan lagu sameeyay.

Filimka Pailwaan waxaa wada jileen Kichcha Sudeepa iyo Suniel Shetty wuxuu ilaa haatan soo xareeyay in ka badan 50 Crore filimkan guuleestay oo 40 Crore lagu qarash gareeyay inkastoo kooxda iska leh shaaca ka qaadeen in mashruucan 100 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here