Xidiga reer Malayam ee Superstar Mammooty aabo u yahay Dulquer Salmaan ayaa aad kaga xun in filimkiisa cusub Kurup la daawaneyn Ciidul Fitrigan xili uu rabay in taageerayaashiisa mashruucan ku qaaliga ah masraxa ka daawadaan.

Filimka Kurup todobaadkan Ciidul Fitiriga loo dabaal dagayo ayaa la daawan lahaa haddii xaalada caadi ahaan laheyd balse dhibaatada Coronavirus-ka Hindiya iyo daafaha caalamka u geestay awgeed ayuu filimkan u baaqday wuxuuna Dulquer Salmaan yiri “Waxaan idii hayaa hadiyad yar oo lama filaan ah Ciidul Fitrigaan waana aragtida kowaad filimkeyga Kurup oo aan rabay in tiyaatarada laga daawado balse dhibaatada dhacday awgeed filimkeyga Ciidan masraxa lagama daawan doono.”

Filimka Kurup waxaa maal galineyso shirkada WayFarer Films ee Dulquer Salmaan iska leeyahay wuxuuna filimkan ka hadlaa nolosha dhabta ah gaangester-kii la oran jiray Sukumara Kurup kaasi oo lagu tilmaamo dambiilayaashii ugu saameynta badnaa ebid Hindiya soo maray waxaana lagu eedeeyaa inuu dilay filim sameeye Chacko si uu lacagaha ceymiskan masuulkaas u heli lahaa u qaato. Waana mid ka mid ah kiisaska ka dhacay gobolka Kerala ee reer Malayalam kaasi oo aan wax xal ah loo helin.

Marka laga soo tago Dulquer Salmaan sidoo kale filimkan waxaa doorar muhiim ah ku leh atirishada Sobhita Dhulipala oo kal kaaliso ku jileyso halka Indrajith uu ku jilaayo askari dambi baare ah oo kiiskan loo xil saaray waana mid ka mid ah aflaanta sida weyn Koonfur Hindiya sanadkan looga sugaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here