Home » Nolosha Jilaayaasha » Dumar Kaliya Ma Ahan Ragg Xitaa Dhibane Waaye Saif Oo Dhibane Ah Mudo 25 Sano Me Too-na Wareysi Siiyay!!

Dumar Kaliya Ma Ahan Ragg Xitaa Dhibane Waaye Saif Oo Dhibane Ah Mudo 25 Sano Me Too-na Wareysi Siiyay!!

Barnaamijka loogu ololeenayo dumarka dhibanaha ah ee shirkada filmada sameeyaan ka shaqeyaan wax badan ayaa laga faaidey waxaana lagu ogaaday sir badan oo naga qarsooned kuna saabsan Ragg badan oo Bollywoodka katisan.

Ragg ay Filmsameyaal u badan yihiin ayaa shaaca laga qaaday ceebahooda qarsooned oo ay kula kaceen xiliyo kala duwan dumar Bollywoodka ka shaqeyaan qaarkood kufsi ayee u geesteed qaar kalena fara xumeen, anshax xumo iyo waliba aflagaado.

Inta badan barnaamijkaan waxaa kasoo muuqdaan ama dhibkooda ku sheegaan dumarka Bollywoodka katirsan iyo kuwa joornaalistayaal ah balse markaan qeybta Ragga ayaa bilaawatay waxaana bilaaway jilaaga caanka ah Saif Ali Khan.

Saif waxuu sheegay in 25 sano kahor dhibtaao kala kulmay mustaqbalka fankiisa iyo hagar daamo balse ma ahan anshax xumo ee waa wax kusaabsan shaqada Bollywoodka iyo dad uu dhib iyo qayaano kala kulmay.

waxuu yiri isago hadlaayo,”inta badan dumarka maanta dhibkooda sheeganayaan waxa ka hadlaan dhibaato jismiyeed loo geestay ama anshax xumo lagula kacay oo ay kula kaceen dad Bollywoodka katirsan waana mid laga xumaado.”:

“Dhamaantena waa inaan ukacnaa sidii dumarka ku bad baadi lahaayen waa waajib ina saaran tan kale dhinka guud marka laga hadlo aniga xitaa Bollywoodka dad ayaa iga dhibaateyeen ma ahan anshax xumo balse waa dhanka wada shaqeenta.”

“Ma doonayo hader kiiskan inaan inta kufuro ama sharaxaad ka bixiyo maadama hader laga doodayo waxna in laga qabto looga baahanyahay dumarkan dhibka sheegayana balse xaqiiq ahaan xanaaq ayaa dareema markaan soo xasuusto wixii igu dhacay.”