Akshay Kumar xiligan waa jilaaga aan ka xaqiri karin awoodiisa marka laga cabir qaato guushiisa iyo awoodiisa maadaama aktarka sanadihii dambe u sameeyay aflaamo badan oo wada guuleystayn

isagoona dhawaan shaaciyay si geesinimo ku dheehan u calaameestay dhamaan sedexda feesto ugu muhiimsan Bollywood-ka sanadka dambe 2020 waana awood muuqato in halyeegan seeftiisa galka kala baxay.

aduunkan inta aad joogto wax aadan arkaynin ma leh haddaba maanta waxaa ku haya aktarka Akshay oo maanta awood badan in xilli atariisho ka mid ah Bollywoodka ay go’aansatat inaysan isaga filim la samaynin si ay u bad-baadiso waayaheeda jilaanimo

atariishadaas cid kale maaha waa Karishma Kapoor taaso ka mid ahayd atariishooyinka ugu awoodda badan xiligii 90s iyadoona fanka kusoo biirtay sanadkii  1991 waxaana ay kusoo caan baxday filimka Prem Qaidi

ka dib atariishadan waxa ay aflaamo badan ok hit ah la sameeyay aktaro badan sida Govinda , Salman Khan , Ajay Devgan, Sunil Shetty iyo Akshay Kumar

Karishma waxa ay Akshay Kumar la samaysay filimkiisa ugu horeeyay ee Deedaar filimkan waxa uu si weyn ugu fashilmay Boxx Officka ka dibna waxaa labadan ay wada dhadhamiyeen guul-daro fara badan waxaana ka mid af aflaamta Sapoot , Lahoo Ke Do Rangiyo Maidan-e-Jung kuwaaso wada noqdayn flop

ka dib atariishada Karishma waxa ay go’aan ka gaartay inaysan dib dambe ula shaqaynin aktarka Akshay Kumar si ay u bad-baadiso waayaheeda atariisho maadamaa aktarkan 90s uu sameeyay ku dhawaad 20 filim oo Flopah

markaas Karishma sanadkii 1999 waxa ay atariishadan go’aan ku gaartay inay iska diido aflaamta Akshay Kumar iyadoo iska diiday inay Akshay la samayso aflaamta kala Ah Sangharsh iyo Hera Phera kuwaaso markii dambe lagu kala badalay Preity Zinta iyo Tabu

laakiin bilowgii 2000 Karsihma waxa ay dib ka ogalaatay inay dib ula shaqayso Akshay Kumar waana markii uu dhici rabay calankeeda waxaana Akshay iyada siiyay labo filim oo guuleystayn kuwaaso kala ah Jaanwar iyo Ek Rishtaa ka dibna labadaas filim waxaana dib u bilaabatay fashilkooda ka dib markii uu ka wada fashilmayn aflaamta kala ah Mere Jeewan Sathi iyo filimka Haan Maine Bhi Pyar Kiya Hai.

hadda Karishma ma samayso wax filim ah maadaama goor hore u dhacay calankeeda halka Akshay Kumar uu ka mid yahay jilaayaasha ugu awoodda badan Bollywoodkaヒ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here