Xili murugo ayee u tahay reer Kannada maadama ay ka geeriyootay halyeeydii shirkadaas maqaamka sare ka gaartay Kishori Ballal oo ahed haweeyney ilaa bari samaadkii aflaamta kasoo muuqan jirtay.

Kishore waxay geeriyootay maanta gelinkii hore iyadoo 82 jir ahed waxayna udhimatay da’nimo iyo inee ahed qof iska xanuunsan isbitaal ay kujirtay ayeena ku naf baxday waana atiriisho in ka badan 75 Filim kasooo muuqatay.

Doorkeeda ugu caansan waa midka ay Shah Rukh Khan hooyadiisa ugu jishay Filimkii Swades ee SRK kuqaatay abaal marinta Filimfare qeybta atooraha ugu wanaagsan (Best Actor).

Waa reer Kannada 1960 ayee bilawday Filim jilista waxayna kasoo shaqeysay dhamaan shirkadaha kala duwan ee aflaamta gudaha India ka sameyaan waxay kaloo la shaqeysay Rani Mukerji iyo iyo Deepika Padukone ugu dambeyna galinkii dambe ayaa la gubay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here