Superstar Akshay Kumar waa madaalaha Bollywood-ka dhawaanahan wuxuu xayeysiin balaaran u sameenayay filimkiisa weyn Housefull 4 oo haatan tiyaatarada saaran sidoo kalena ganacsi wanaagsan sameenayo halka aflaan kala duwana uu duubis ku wado waxaana la islahaa madaama Housefull 4 waqti badan dhanka xayeysiin u sameynta galiyay wuu yara nasan doonaa.

Laakiin Kumar shaqada ayuu saaxiib la yahay wuxuuna durba bilaabay xayeysiin u sameynta filimkiisa xiga Good Newwz kaasi oo la daawan doono 27 Dec 2019 waana filim fariinta arimaha qoyska xambaarsan oo reer magaalka loogu tala galay waxaana soo saare ka ah Karan Johar.

Haddaba Akshay Kumar ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawir u gaar ah hees ku jirto filimkiisa Good Newwz waxaana heeskan kala soo muuqanayaan hogaamiyaasha kale mashruucan kula jiraan sida Kareena Kapoor Khan oo lamaantiisa ku jileyso, Kiara Advani iyo Diljit Dosanjh.

Heeskan lagu magacaabo ‘Lucky You, Lucky Me’ waxaana ku luqeenayan labada fanaan ee reer Punjab ee heesaha raabka looga haray Badshah iyo Harrdy Sandhu oo sawirka Kumar soo dhigay qayb ka ah wuxuuna Akshay taageerayaashiisa la wadaagay heeskan soo jiidashada badan inay duubeen dhawaana hawada lagu soo fasixi doono xili uu ku dhawaaqay in xayeysiin u sameyna filimka Good Newwz bilaabatay.

Filimka Good Newwz waxaa Director ka ah Raj Mehta waana mashruuc ay ku midoobeen Kareena Kapoor iyo Akshay Kumar oo mudo 10-sano kadib shaashada kasoo wada muuqan doonaan waana mashruuc ka hadlaayo lamaano caruur isku dhali waayeen oo in mudo ah wada noolaa kadibna nidaamka bacriminta ubadka adeegsanayaan si caruur u helaan waana filim qiiro badan farxad iyo murug la isku dheeli tiray leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here