Durba maseer iyo is qabqabsi ayaa bilowday iyo Hailey Beldwin oo ka maseersan Tiffany Trump.

0
1099

Waxaan maanta galinkii hore idiin soo gudbinay warbixin ku saabsan in gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka ee Tiffany Trump ay is gaad gaad kuheyso Justin Bieber kaasoo haatan qabo gabadha Modelka ee Hailey Beldwin.

Wararkaan oo ay shabakadaha waaweyn wax ka qoreen ayaa waxaa durba ka carootay xaaska Justin Bieber taasoo horay qaati uga taagneyd jaceylkii hore ee Justin Bieber ee Selena Gomez balse haatan Tiffany Trump ayaaba madasha kusoo biirtay.

Sida ay qortay majalada NW waxaa durbo bilowday khilaaf u dhaxeeyo Hailey Beldwin iyo Justin Bieber kaasoo salka ku haayo maseerka Hailey taasoo uga shakineyso Justin inuu gabdho kale siiba Tiffany Trump la khiyaanayo.

Inkastoo wararkaan kuwa beeninaayo ay jiraan hadana waxaan meesha ka marneyn damaca Tiffany Trump ee Jusitin Bieber maadaama ay mudo dheer taageere u aheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here