Shabakada Boxoffice India (BOI) waxay ku dhawaaqday inay keedkeeda kusoo kordhin doonto hanaan cusub oo natiijada filimada loo siin doono waxayna soo kordhiyeen natiijo cusub oo la dhaho Super Blockbuster waana natiijo ka hooseyso All Time Blockbuster kana sareyso Blockbuster.

Haddaba BOI waxay kala saari doontaa filimada isku natiijada ah ee haatan u wada diiwaan gashan inay All Time Blockbuster yihiin qaarkood Super Blockbuster ayaa laga dhigi doonaa halka qaar kalena darajadooda All Time Blockbuster loo dhaafi doono waxaana durba lagu soo dhaweeyay baraha bulshada talaabada BOI qaadi doonto.

Waayo dadka intooda waxay ku doodi jireen cadaalad ma ahan filimada halyeeyaasha ah sida Sholay, Hum Aapke Hain Kaun, Gadar, Bahubali 2 inay isku natiijo ahaadaan filimada Dhoom 3, Border, Kuch Kuch Hota Hai iyo kuwo kale oo All Time Blockbuster ah laakiin aanan dhigin iskooro taariikhi ah oo mudo dheer la jebin waayay.

Sidaa darteed dooda waxay ku saleesan tahay in ugu dambeyntii BOI la timaaday nidaam sax ah oo filimada halyeeyaasha ah iskoorada taariikhiga ah dhigeen qaanad gaar ah lagu galin karo sidoo kalena halbeegan waxay u badan tahay in filimada lagu saari doono hadba tirada qofood ee tiyaatarka filimka ka daawatay waana arin maan gal ah sababtoo ah labo filim oo isku darajo All Time Blockbuster ah haddana waxay is dheer yihiin tirada tikit u goosatay sidaa darteed inay isku qaanad ku jiraan sax ma ahan.

Haddaba maxaa lagu saleen doonaa natiijada filimada madaama nidaamkan cusub Super Blockbuster lasoo kordhiyay? Waxaa wax walbo lagu saleen doonaa nidaamka footfalls loo yaqaan ama tirada qof ee filimka tiyaatarka ka daawaday, sidaa darteed kala saarista natiijad filimada habkan ayay u badan tahay inay noqon doonto:

40-milyan qofood iyo ka badan filimada daawadeen – All Time Blockbuster

30-milyan ilaa 40-milyan qofood filmada daawadeen -Super Blockbuster

25-milyan ilaa 30-milyan qofood filimada daawadeen – Blockbuster

20-milyan ilaa 25-milyan oo qofood filimada daawadeen – Super Hit

15-milyan ilaa 20-milyan oo qofood filimada daawadeen – Hit

10-milyan ilaa 15-milyan oo qofood filimada daawadeen – Semi Hit

10-milyan oo qofood filimada ay daawadeen – Average

10-milyan oo qofood ka hoose filimada ay daawadeen – Below Average

5-milyan oo qofood ka hoose filimada ay daawadeen – FLOP

2-milyan oo qofood iyo ka hoose filimada ay daawadeen – Disaster.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here