DUULAANKII BADAR; DAGAALKII UGU HOREEYAY EE KALA SAARAY XAQQA IYO BAADILKA.

0
563

SABABTA DUULAANKA.

Duulaankii Badar waxaa sabab u ahaayeen labo arimood oo waaweyn.

Mida Koowaad waa dooyadii Nakhlah ee dhacday bishii Rajab sanadkii labaad ee Hijriga taasoo lagu dilay Camrin bin al-Xadrami.

Mida Labaadna waa duulaankii Al-Cusheyrah kaasoo dhacay bisha Jamaadul-uulaa sanadkii labaad ee hijriga Nabiga ayaana hogaaminayay asigoo ay la socdeen 150 Muhaajiriin ah si ay usoo qafaashaan safar Qureysh laheyd una socday dhulka Shaam.

Nabiga scw safarkaas inuu soo qafaasho ayuu u baxay hase yeeshee markii uu marayay meesha la yiraahdo Dal-Cusheyra ayuu ogaaday in safarkii gudbay baryo kahor oo uu ka fagtay magaalada Madiina ayuuna dib ugu soo laabtay.

Safarkaan ayaana ah sababta ugu weyn ee keentay Duulaankii weynaa ee Beder waayo markuu ku beegnaa soo laabashadiisa ayuu Nabiga scw iyo asxaabta jidka u galeen si ay u qafaashaan waana sababta Duulaanka iyo dagaalkaba sababtay.

Markii uu soo dhawaaday soo laabashadii Safarkii qureysheed ayuu Nabiga scw diray Dhalxa bin Cubeydillaah iyo Saciid bin Zeyd si safarkaasi war uga keenaan, waxayna labada saxaabi tageen meesha la yiraahdo Al-Xowraa iyagoona mudo joogay ilaa ugu dambeyn uu soo maray Abuu Sufyaan oo safarkii qureysheed hogaaminayay, markaas ayayna dag dag madiina ugu soo laabteen warkiina Nabiga scw u keeneen.

Safarkaasi wuxuu xambaarsanaa hanta lixaad leh oo reer Makko lahaayeen waxayna ka koobneed Kun Rati oo hanti ku raran taasoo lagu sheegay iney dhameyd 50,000 oo diinaar dahab ah, waxaana waardiyeynayay kaliya 40 nin.

Waxay aheyd fursad dahabi ah oo soo martay reer Madiina iyo dharbaaxo Milatari, mid Siyaasad iyo mid Dhaqaale oo ku dhici laheyd reer Makka hadii ay waayaan hantida intaas la eg.

Sidaas owgeed Nabiga scw ayaa iclaamiyay in uu ugaarsan doono iyadona saxaabada qofna lagu waajibinin iney soo baxaan oo safarka soo qafaashaan waayo cidna ma ogeyn in uu isku badali doono dagaal weyn iyo in saxaabada is wajihi doonaan ciidankii qureysheed.

Taasina waxay sababtay in duulaankaasi ka baaqsadeen oo aysan ka qeyb galin saxaabo fara badan waayo saxaabada badankooda waxay moodayeen in safarka uun lasoo qafaalan doono ee ma moodeynin in dagaal la gali doono waana sababta aanan qofna loogu canaanan inuu Duulaankii Beder ka qeyb gali waayay.

AWOODII CIIDAN EE MUSLIMIINTA IYO SIDA HOGAANKA LOO KALA HAAYAY.

Lasoco qeybta 2aad.

Fadlan Share dheh oo Kheyrka faafi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here