DUULAANKII BEDER; DAGAALKII UGU HOREEYAY EE KALA SAARAY XAQA IYO BAADILKA. Qeybtii 8aad.

0
717

U DIYAAR GAROOBIDII DAGAALKA.

Kadib Nabiga scw markii uu safafkii muslimiinta toosiyay wuxuu gudo galay inuu awaamirta dagaalka siiyo ciidanka wuxuuna faray ineysan marnaba dagaalka iyaga bilaabin ilaa ay amarka ugu dambeeyo asiga ka helayaan kadibna Nabiga scw ayaa saxaabada talooyin gaar ah siiyay wuxuuna ku yiri; markii ay idinku soo bataan (idinku soo ordain) falaaraha ku garaaca, seefahana ha siibanina ilaa ay idinka soo daboolaan”

Yaxni marka hore in cadowga falaaraha lagu garaaco kadibna warmaha iyo seefaha loola baxo , kadibna nabiga scw wuxuu dib ugu laabtay cariishkiisa asiga iyo rafiiqiisii godka ee Abuu Bakar Al-Siddiiq waxaana ku wehliyay Sacad bin Mucaad iyo kooxdii ilaalada aheyd.

Dhanka Mushrikiinta maalintaa waxaa u istaagay una khudbeeyay Abii Jahal asigoona leh; Allow keeni qaraabadiisa gooyay misna noola yimid waxaanan aqoonin guuldaro dhabarka u saari, allow keenii agtaada raali laga yahay u gar gaar oo nasrigaaga sii”.

SAACADII UGU HOREYSAY IYO DHIMBISHII DAGAALKA HURISAY.

Qofkii ugu horeeyay ee la dilo duulaankii Beder wuxuu ahaa ninka la yiraahdo Al-aswad bin Cabdul-asad Al-makhzuumi wuxuuna ahaa nin shar badan misna dabeecad xun leh, wuxuu safafka gaalada kasoo baxay asigoo leh; waxaan ilaahay balan uga qaaday inaan ka cabo darkooda (biyaha barkada ee muslimiinta sameysteen) ama aan dumiyo ama la igu kor dilo” markaas baa waxaa usoo baxay Libaaxii Alle ee Xamze bin Cabdul-mudalib.

Markii ay kulmeen ayuu Xamza A-aswad seefka uga dhuftay bowdada misna lugta ka gooyay asigoon barkadii gaarin markaas ayuu Al-aswad bilaabay inuu usii guur guurto dhankii Darka biyaha ku jireen ilaa uu isku dhex tuuray si uu dhaartiisa uga dhabeeyo hase yeeshee Xamze ayaa inta ka daba tagay seef kurka uga gooyay asigoo darkii ku dhex jiro.

ISKU SOO BIXII (MUBAARIZADII).

Kadib markii la dilay Al-aswad waxaa hurtay dhimbishii dagaalka waxaana safafkii mushrikiinta kasoo baxay sadax kamid ah kuwii ugu fiicnaa fardooleydii qureysheed waxayna kala ahaayeen Cutbah iyo Sheybah oo ilma Rabiica ahaa iyo Waliid bin Cutbah waxayna dalbadeen in loosoo baxo.

Markaas ayaa waxaa ku baxay sadax wiil oo Ansaarta kamid ahaa waxayna kala ahaayeen Cowf iyo Mucawad ilmo Al-xaarith hooyadoodna waa Cafraa iyo Cabdullaahi bin Rawaaxa.

Markii sadaxdii wiil Ansaarta ahaa ay isku soo dhawaadeen ayay weydiiyeen qolomaad aheydeen? Waxay ku jawaabeen koox Ansaar ah baanu nahay, markaas ayay dhaheen rag noo dhigma misna karaamo leh baa tihiin balse idinka dan idinkama lihin ee waxaynu dooneynaa ilmo adeeradeena (qureyshta ah).

Markaas ayay ku qeyliyeen Muxamadow inoo soo saar ragii noo dhigmay (Ansaarta ayay yasayaan), markaas ayuu Nabiga scw yiri; Cubeyda bin Al-xaarithow kac Xamzow istaag Caliyow adigana kac.

Markii ay usoo dhawaadeen ayay dhaheen qolomaad aheydeen kadibna waa isku sheegeen markaas ayay dhahaane dadnoo dhigma baad tihiin, kadibna Cabeyda oo raga ugu da’ weynaa wuxuu ku aaday Cutbah, Xamzana wuxuu ku aaday Sheybah halka calina ku aaday Waliid sida uu ibnu isxaaq qabo balse warinta Abii Daa’uud iyo Axmed bin Xanbali waxay leedahay Cubeyda wuxuu ku aaday Waliid, Calina Sheybah halka Xamzana ku aaday Cutbah.

Si kastoo ay ahaataba Xamza iyo Cali maba u daahin oo horay ayay ka dileen balse Cubeyda iyo Cutba baa seefaha is weydaarsaday misna is dhaawacay ayadoo Cubeyda uu lugta dhaawac daran kasoo gaartay balse Cali iyo Xamza oo ragoodii kasoo takhalusay ayaa ku aadeen misna Cutbah kurka ka gooyeen, waxayna soo qaateen Cubeyda oo dhaawac halis ah lugta kasoo gaaray asigoo waliba ay lugta go’day.

Allaha ka raali noqdee Cubeyda bin Al-xaarith wuxuu sii noolaa mudo 4 ilaa 5 maalmood asigoona ku geeriyooday Safraa xili Muslimiinta magaalada Madiina dib ugu laabanayeen ayagoona guul ka gaaray dagaalka.

Imaamu Cali bin Abii Daalibna wuxuu ahaa mid Allaah ugu dhaarto in aayada; “هادان خصمان اختصمو في ربهم” ay kusoo dagtay raga Mubaarazada isugu soo baxo misna Jihaadka ku jiro.

Mubaarazadii ayaa waxay noqotay bilow aad u xun iyo jab soo gaaray mushrikiintii waayo waxay halmar waayeen sadax kamid ah hogaankoodii fardooleyda ahaa misna geesiyaashooda kamid ahaa markaas ayay mushrikiintii ciil la go’ go’een iyagoo dhago la qabto laheyna muslimiinta isku soo daayeen.

La soco qeybta 9aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here