DUULAANKII BEDER; DAGAALKII UGU HOREEYAY EE KALA SAARAY XAQQA IYO BAADILKA. Qeybtii 3aad.

0
583

CIIDANKII MAKKA OO DIYAAR GAROOBAY.

Markii uu magaalada Makka soo galay Dam-dam bin Camar Al-giffaari asigoo qeylinaya qureyshna u sheegaya in Safarkoodii jidka loo galay ayay wada kaceen isna diyaariyeen iyagoo leh; “Muaxamed iyo asxaabtiisa ma waxay moodayaan iney noqon doonto sidii Safarkii ina Xadrami? Maya wlhi taas ineysan dhaceynin”.

Qureysh dagaal ayay usoo baxeyn mana jiro qof iyaga kamid ah oo haray qofkii aan bixi karina badalkiisa qof kale ayuu soo diraayay weyna u dhamaayeen dhamaan jilibyada qureysheed markii laga reebo jilibka reer banii Caddi oo hal qof sooma bixin jilibkaas.

AWOODII CIIDANKII MAKKA.

Ciidankaas soo baxay waxay ahaayeen kun iyo sadax boqol oo dagaalyahan, waxayna wateen 100 faras iyo 600 oo diraca dagaalka lagu gaashaanto, geela ay wateena tiro ma laheyn oo aad ayuu u badnaa.

Ciidankaasi waxaa sahaydooda iyo quudkooda dhiibayay sagaal nin oo ashraafta qureysheed kamid ahaa iyagoo maalina 10 halaad qalayay maalina 9 halaad qalayay, waxaana taliska guud u haayay Abuu Jahal bin Hishaam.

MASHAAKILKII QABIILOOYINKA BANII BAKAR.

Markii reer Makka is diyaariyeen isla markaasna ay bixi rabeen ayaa waxay soo xusuusteen cadaawadii kala dhaxeysay reer banii Bakar waxayna ka baqeen hadii ay baxaan in ay usoo daba maraan magaalada Makka iyo dumarka iyo caruurtana la wareegaan.

Reer Makka waxay qarka u fuuleen iney baaqdaan oo aysan bixin, hase yeeshee waxaa u yimid Sheydaan oo isku soo yeelay muuqaalkii Suraaqa bin Maalik bin Jucshum al-mudalji sayidkii reer banii Kinaana, wuxuuna qureysh ku yiri; anigaa idinka magan galiyay in Kinaana gadaal idiinkaga imaadaan oo waxaad necebtihiin idinku sameeyaan”

Qureysh ayaa markaas makka kasoo baxeen sidii uu Alle yiri; وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ خَرَجُوا مِن دِيَارِهِم بَطَرًا وَرِئَاءَ النَّاسِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ ۚ وَاللَّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطٌ
Hana kamid noqonina kuwii ka baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka dartiiskana celinaya (dadka) jidka eebe, eebana waa koobay waxay camal fali.

Waxay kusoo socdeen si xowli ah iyagoona doonayay in ka gaaraan safarka sidaas owgeed waxay mareen toga Cusfaan la yiraahdo waxayna uga sii gudbeen Qudiid, markii ay marayeen meesha la yirahdo Al-Juxfah ayaa waxaa dhambaal kasoo gaaray Abuu Sufyaan kaasoo uu ku leeyahay; Waxaad markii horeba usoo baxdeen inaad Safarkiinii difaacataan iyo hantidiina Allana wuu badbaadiyay ee dib isaga laabta”.

SIDEE KU BADBAADAY SAFARKII QUREYSHEED?

Waxaan horay usoo sheegnay in abuu Sufyaan uu ahaa nin aad u feejigan, waxaana la sheegay in abuu sufyaan uu sirdoonkiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa aad u kordhiyay, markii uu Beder usoo dhawaaday ayuu la kulmay ninka la yiraahdo Majdi bin Camar wuxuuna wax ka weydiiyay ciidankii Madiina iyo hadii uu war ka haayo?

Majdi ayaa markaas yiri; ma aanan arkin qof aan ka shakiyay hase yeeshee waxaan arkay labo nin oo rukuubley ah oo taagaas geelooda tu’iyeen kadibna dhaansadeen ceelka”

Abuu sufyaan ayaa markaas yimid halkii geela la fariisiyay wuxuuna meesha ku arkay saxaradii geela asigoona gacantiisa ku burburiyay waxaana saxarada kasoo dhex baxday laf timireed markaas ayuu abuu sufyaan yiri; “Ilaah baan ku dhaartee geelaan Yathrib (Madiina) ayuu kasoo daaqay”

Abuu Sufyaan ayaana markaas safarkiisa dagdag dib ugu celiyay wuxuuna ka leexday wadadii Beder mareysay ee uu rabay inuu maro taasoo ay Muslimiinta fadhiyeen wuxuuna abuu Sufyaan maray dhanka xeebta bada cas
Abuu Sufyaan sidaas ayuu safarkii ku badbaadsaday.

CIIDANKII MAKKA OO HAMIYAY INEY DIB U LAABTAAN IYO KALA QEYBSANKII DHACAY.

La soco qeybta 4aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here