DUULAANKII BEDER; DAGAALKII UGU HOREEYAY EE KALA SAARAY XAQQA IYO BAADILKA. Qeybtii 4aad.

0
348

CIIDANKII MAKKA OO HAMIYAY INEY DIB U LAABTAAN IYO KALA QEYBSANAANTII DHACDAY.

Reer Makka markey la kulmeen dhambaalkii abuu Sufyaan iyo in Alle Owrtoodii iyo safarkoodii badbaadiyay ayay damceen iney dib u laabtaan hase yeeshee waxaa ka diiday Abuu Jahal asigoo leh; Wlhi baanan laabaneyn jeer aan Beder tagno oon sadax bari joogno xoolana qalano cuntana cuno khamrina cabno dumarkana noo heysaan carabna maqasho is heysigeena iyo is uruursigeena si ay waligoodba nooga heybeystaan.

Hase yeeshee waxaa arinkaas kahor yimid Akhnas bin Shureyq asigoo qureysh ugu baaqay iney laabtaan balse qureysh wey ka diiday, markaas ayuu asiga iyo reer Bani Zuhra oo ay gaashaanbuur ahaayeen iska laabteen asiga ayaana madax u ahaa.

Dagaalkii Beder hal qof oo banii Zuhra ah kama uusan qeyb galin waxayna banii Zuhra ahaayeen qiyaastii 300 oo dagaalyahan sidaas owgeed qureysh markii banii Zuhra laabteen waxay noqdeen qiyaastii 950 dagaalyahan.

Sidoo kale reer bani Haashim ayaa damceen iney laabtaan hase yeeshee Abuu Jahal ayaa ku dhagay asigoo leh; kooxdaan nagama tageyso ilaa aan kasoo laabano.
Halkii ayay socodkooda kasii wateen ciidankii Makka iyagoo ugu dambeyn dagay meel u dhaw Beder iyagoona toga Beder daanta shishe ka dagay.

XAALADA CIIDANKII ISLAAMKA.

Dhanka kale sirdoonka nabiga scw waxay usoo gudbiyeen in safarkii baxsaday isla markaasna aan laga gaari Karin sidoo kalana magaalada Makka ay dadkeeda soo kacsatay ayna macquul tahay in labada ciidan dagaal culus isku fara saaraan Beder isla markaasna uusan meesha oolin meel lagu kala leexdo iyo cudur daar lagu kala badbaado.

Waxaa qasab aheyd in ciidanka Makka meeshooda loogu tago laguna soo edbiyo waayo hadii ciidanka Madiina iska soo laabtaan waxay noqoneysaa ihaano maadaama gaalada kibir meel kasta la marayaan iyadoo lawada ogyahay in muslimiinta badankooda ay Makka kasoo hijroodeen xoolahooda ehelkooda iyo caruurtoodaba kasoo tageen sidaas owgeed in ruuxda islaamka kor loo qaado gaaladana cashar loo dhigo waqtigii ugu haboonaa ayay aheyd si kibirkooda loo jibiyo.

Sidoo kale hadii ciidanka Makka la fasaxo oo laga soo laabto yaa og iney iska laabanayaan? Maxaa diidayo in kibirkooda uu bado iney makaalada Madiina iyo muslimiinta duulaan kusoo qaadaan? Siduu xaalka muslimiinta noqonayaa hadii dhulkooda dagaal laga huriyo? Hadii ay sidaas dhacdo oo ciidanka makka soo weeraraan magaalada madiina khasaaraha ugu badan waxaa la kulmi lahaa islaamka iyo muslimiinta maadaama magaalada dumarkii iyo caruurtiiba joogaan sidaas owgeed muhiim ayay aheyd in cadowga ad adkaan la tuso sidoo kalana la baacsado.

SHIRKII SARE.

Iyadoo la fiirinaayo isbadalka meesha ka dhacay iyo xaalada cusub ee la galay ayuu Nabiga scw asxaabta isugu yeeray si arinta looga shiro si ciidanka iyo abaanduulayaasha ra’yi isku weydaarsadaan.

Waxaa kacay Abuu Bakar al-Sidiiq wuxuuna sheegay hadal wanaagsan, kadibna waxaa kacay Cumar bin Khadaab wuxuuna sheegay asna hadal wanaagsan.

Markaas ayaa waxaa kacay Miqdaad bin Camar wuxuuna yiri; “Rasuul Allow horey noowad anaga waa kula jirnaaye, Wlhi baanan ku dhaheynin sidii banuu Israa’iil Muuse ku dhaheen; Orod adiga iyo rabigaa dagaalama anaga halkaanaan idiin fadhiisane, balse waxaan kuleeyahay orod oo adiga iyo rabigaa dagaalama anagana waan idiinla dagaal galeynaaye, Allihii xaqqa kugu soo bixiyaan ku dhaartee hadii aad nawado ilaa Bargi al-qamaad waan kula dagaal kaleynaa oon kula soconeynaa ilaa aad ka gaarto”.

Markaas ayuu Nabiga scw markuu maqlay hadalkii Miqdaad u duceeyay hadal fiicana ku dhahay.

Sadaxdaas nin ee hadashay waxay ahaayeen Muhaajiriin waxayna ahaayeen tirade ugu yar ciidanka maadaama Ansaarta ka badnaayeen, sidaas owgeed ayuu Nabiga scw jeclaaday inuu maqlo ra’yiga saraakiisha Ansaarta maadaama ciidanka ugu badan ay iyaga ahaayeen.

Sidoo kale beycadii uu Nabiga scw la galay Ansaarta kuma aysan jirin in madiino dibadeeda ku dagaalamaan marka muhiim ayuu ahaa ra’yigooda in la dhageysto.

Markii sadaxdii hogaamiye ee Muhaajiriinta hadleen ayuu Nabiga scw markale yiri; “Dadoow ila taliya”.

Wuxuuna ugu gol lahaa ansaarta, markaas ayaa waxaa arintaas fahmay Hogaamiyihii ansaarta Sacad bin Mucaad (Sacad waa saxaabigii Carshiga eebe Raxmaanka gilgishay markuu geeriyooday).

Sacad markuu kacay ayuu wuxuu yiri; “waxay ila tahay inaad anaga noogu gol leedahay rasuul allow?”

Markaas ayuu Nabiga scw yiri; Haah.

Markaas ayuu Sacad yiri; “Waan ku rumeynay kuna raacnay waxaana qirnay waxaad la timid iney xaq yihiin, waxaana midaasi kugu siinay balan iyo axdi inaan ku maqalno kuna adeecno, ee rasuul allow horay u soco Allaha xaqa kugu soo bixiyaan ku dhaartee hadii aad badaan inoo soo bandhigto kadibna aad dhex makhuurato waan kula dhex makhuuran laheyn ayadoo uusan hal nin naga hareynin isla markaasna aanan karaahiyeysan inaan bari cadowga la kulano, waxaa laga yaabaa in alle xageena kaa tuso waxay ishaada ku qabowdo ee barakada Alle nagu hogaami”.

Rasuulka Alle scw markuu maqlay hadalka Sacad ayuu aad ugu farxay wuxuuna yiri; “Socda oo bishaareysta waayo Alle labada qolo midkood ayuu ii balan qaaday (Safarka ama in cadowga laga guuleysto) waxaadba moodaa inaan hada ujeedo cadowga oo la leynaayo”

Nabiga scw wuxuu tilmaamayay aayada Alle sareeyee;

وَإِذْ يَعِدُكُمُ اللَّهُ إِحْدَى الطَّائِفَتَيْنِ أَنَّهَا لَكُمْ وَتَوَدُّونَ أَنَّ غَيْرَ ذَاتِ الشَّوْكَةِ تَكُونُ لَكُمْ وَيُرِيدُ اللَّهُ
أَن يُحِقَّ الْحَقَّ بِكَلِمَاتِهِ وَيَقْطَعَ دَابِرَ الْكَافِرِينَ

(Xusuuso markuu idiin yaboohay eebe labdii kooxood midkood (Colkii iyo Safarkii) idiin sugnaatay idinkoona jecel mida tabarta yar idiin ahaato, eebene wuxuu dooni inuu xaqqa ku sugo kalmadiisa gooyana cidhibta gaalada).

Lasoco qeybta 5aad.

Fadlan wall Share gareey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here