DUULAANKII BEDER; DAGAALKII UGU HOREEYAY EE KALA SAARAY XAQQA IYO BAADILKA. Qeybtii 5aad.

0
411

Waxaan horay uga soo hadalnay halka uu maraayay xaalada Muslimiinta iyo in Abuu Sufyaan safarkiisii badbaadsaday sidoo kalana cadowgii islaamka ay bilaabeen in dhoolatus ka sameeyaan Beder iyo hareereheeda.
Waxaan soo sheegnay sababaha looga fursan waayay in cadowga la wajaho sharafta islaamka iyo muslimiin la difaaco.

CIIDANKII ISLAAMKA OO SOCODKIISII SII WATAY.

Nabiga scw markuu dhageystay taladii hogaamiyaasha muslimiinta ayuu ciidankii horay u waday ilaa uu ka dagay meel Beder u dhaw.

Markii muslimiintii dageen ayuu Nabiga scw go’aansaday inuu asiga naftiisa sirdoon ahaan u baxo waxaana howlgalkaasi ku wehliyay rafiiqiisa godka ee Abuu Bakar Al-Siddiiq.

Nabiga scw iyo sxbkiis ayaana isi soo raaceen waxaana dhacday in iyagoo ku gaaf wareegayo xaruntii ay daganaayeen ciidanka Makka ay la kulmeen oday waayeel ah oo carab ah.

Markaas ayuu nabiga scw odaygii wareystay oo wax ka weydiiyay ciidankii qureysheed iyo ciidankii muslimiintaba (sababta uu ciidanka muslimiinta wax uga weydiiyay waxay aheyd inaan howlgalkiisa la ogaan darteed iyo qofkuu yahay).

Markaas ayuu odaygii dhahay; waxba idiinma sheegayo ilaa aad iiga sheegtaan dadkaad idinka tihiin.

Nabiga scw ayaa markaas yiri; “hadaad noo sheegto anagana waan kuu sheegi”

Ninkii odaygii ayaa markaas yiri; waxaa isoo gaartay in Muxamed iyo asxaabtiisa maalin hebla soo baxeen, haduu run sheegay kii warkaan ii sheegay maanta waxay marayaan meel hebla (asigoona si sax ah u tilmaamay meeshii ay joogeen ciidanka muslimiinta) waxaana isoo gaartay in ciidanka Makka ay soo baxeen maalin hebla , hadii uuna si sax ah iigu sheegay kii ii waramay maanta waxay joogaan meel hebla (wuxuuna markale si sax u sheegay meeshii ay joogeen ciidankii Makka).

Markuu odaygii hadalkiisa dhameystay ayuu yiri; Hadaba idinka ii sheega yaad tihiin?

Nabiga scw ayaa markaas ugu jawaabay; “Anaga biyaan kasoo jeednaa”. Wuuna iska dhaqaaqay.

Odaygii halkii ayuu sii taagnaa asigoona is weydiinayay ma biyihii ciraaq baa? (waxaa jiro qabiil ciraaq dago oo la dhaho Maa’)

CIIDANKII ISLAAMKA OO HELAY MACLUUMAADKII UGU MUHIIMSANAA EE CADOWGA.

Isla maalintaas galabkeeda Nabiga scw ayaa diray sirdoon kale si cadowga war uga keenaan waxaana hogaaminayay howshaan sadax kamid ah hogaankii Muhaajiriinta kuwaasoo kala ah; Cali bin Abii Dhaalib, Zubeer bin Cawaan iyo Sacad bin abii Waqaas waxayna horay usii wateen koox ciidan ah ilaa ay ka gaareen ceelasha biyaha Beder waxayna meesha ku arkeen labo wiil oo ciidankii Makka dhaan u ahaa gacanta ayayna kusoo dhigeen iyagoona Nabiga scw u keeneen.

Markii ay Nabiga scw u keenayeen salad ayuu ku jiray sidaas owgeed ayay wiilashii wareysteen waxayna u sheegeen iney yihiin dhaankii qureysh markaas ayay ku xanaaqeen labadii wiil wayna garaaceen (wali niyadooda kama go’in safarkii abuu sufyaan waayo waxay rabeen iney noqdaan dhaankii abuu sufyaan).

Markii ay labadii wiil garaaceen ayay dhaheen wiilashii
waxaan nahay dhaankii abuu sufyaan markaas ayay sii daayeen.

Nabiga scw markuu salaada ka baxay ayuu ku yiri; markey runta idiin sheegeen waad garaacdeen markey beenta idiin sheegeena waad ka tagteen run bey sheegeen wlhi waa dhaankii qureysheed”

Markaas ayuu Nabiga scw labadii wiil kusoo jeestay asigoona ku yiri; iiga warama qureysh?

Waxay dhaheen taagaas aad uga jeedid daanta shishe gadaashiisa ayay joogaan.

Markaas ayuu weydiiyay; waa imisa qoomka iyo tiradooda?
Waxay dhaheen wey badanyihiin.

Markaas ayuu weydiiyay;maalintii imisa ayaa la qalaa?

Waxay dhaheen; maalina sagaal maalina toban.

Markaas ayuu Nabiga scw asxaabta ku yiri; waxay u dhaxeeyaan 900 ilaa 1000.

Markaas ayuu hadana nabiga scw wiilashii weydiiyay; ashraaftii qureysheed yaa la socdo?

Waxay dhaheen; Cutbah bin Rabiica, Sheybah bin Rabiicah, Abuu Al-Bakhtari bin Hishaam, Xakiim bin Xizaam, Nowfal bin Khuweylid, Al-Xaarith bin Caamir, Duceymaha bin Cadi, Nadar bin Al-Xaarith, Zamcah bin Al-Aswad, Abuu Jahal bin Hishaam, Umayaha bin Khalaf iyo rag kale oo fara badan.
Nabiga scw markuu hadalkaas maqlay ayuu asxaabtiisii kusoo jeestay wuxuuna ku yiri; “Waa tan Makka oo idiin soo tuurtay gobol beerkeeda kamid ah.”

CIIADNKII ISLAAMKA UU KU HORMARAY XARUMIHII UGU MUHIIMSANAA.

Markaas ayuu anbiga scw iyo muslimiinta horay u dhaqaaqeen si ay mushrikiinta uga hormaraan biyaha Beder isla markaasna inta aysan gaarin ula wareegaan, markaas ayay dageen ceelka ugu soo sokeeya agtiisa.

Markaas ayaa waxaa kacay Al-xabaab bin Al-Mundir oo khabiir military dagaalada looga haray ahaa wuxuuna u tagay Nabiga scw asigoona ku yiri; Rasuul Allow meeshaan aan dagnay ma meel Alle ku dajiyaa (Amar Alle ku dagtay) oo kama hormari karno kamana dib dhici karno mise waa ra’yi xeelad iyo dhagar dagaal?

Markaas ayuu Nabiga scw yiri; mayee waa ra’yi iyo dhagar dagaal”

Markaas ayuu Al-Xabaab yiri; Rasuul Allow halkani meel la dago ma ahan ee dadka kici ilaa aan ka tagno biyaha cadowga u dhaw isla markaasna aan soo domino anagana aan dhisano laas biyo ah markaasna aan cadowga la dagaalano anagoo biyo cabeyno iyagana oomanyihiin.

Markaas ayuu Nabiga scw yiri; talo fiican ayaad nasiisay.
Markaas ayuuna nabiga scw sidii yeelay.

XARUUNTII TALISKA IYO TALADII SACAD BIN MUCAAD.

Lasoco qeybta 6aad.

Share dheh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here