Forbes ayaa siidaayay liiska jilayaasha ugu mushaharka badan adduunka sanadka 2020 iyo sanadkii labaad oo isku xigta, Dwayne ‘The Rock’ Johnson ayaa leh booska koowaad. In kasta oo liistigu leeyaahay magacyo badan oo caan ah oo ay ka mid yihiin Ryan Reynolds, Mark Wahlberg, Vin Diesel, iyo kuwo kaloo badan, hadana halyeeyga caanka ah ee Bollywood Akshay Kumar ayaa ku jira kaakinta 6-aad ee liiska.

Dwayne Johnson ayaa noqday kan ugu mushaarka badan adduunka; Akshay Kumar wuxuu galay booska lixaad Iyadoo Dwayne Johnson uu ku fadhiyo lacag dhan $ 87.5 milyan oo uu kujiro mashruucyadiisa soo socda, Ryan Reynolds wuxuu booska labaad kugalay $ 71.5 milyan. Waxa ku xiga Mark Wahlberg $ 58 milyan iyo Ben Affleck oo qaata $ 55 milyan. Vin Diesel iyo Akshay Kumar waxay taagan yihiin $ 54 milyan iyo $ 48.5 milyan, siday u kala horreeyaan.

Liistiga sidoo kale waxay cadeyneysaa Akshay Kumar inuu yahay jilaa kaliya ee Bollywoodka sanadkaan kasoo galay 10-ka sare. booska 9aad waxaa qaatay Adam Sandler $ 41 milyan iyo ugu dambeyntiina, Jackie Chan $ 40 milyan. Dakhligaas waxaa la xisaabiyay laga bilaabo Juun 1, 2019 illaa Juun 1, 2020 iyadoo la tixgelinayo mustaqbalkooda mashaariicda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here