Xidiga Hollywood-ka iyo WWE maqaamka sare ka gaaray Dwayne Johnson Aka The Rock ayaa baraha bulshada heesto kadib markii uu weerar culus ku qaaday madaxweynaha dalka Mareekanka Donaldo Trump wuxuuna ugu baaqay inuu is casilo madaama uusan laheyn tayo hogaameed uu wax ka qaban karo xaalada kacsan ee gudaha USA ka jiro.

The Rock wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay dadka caanka ah ee baraha bulshada ku cambaareeyo kagana soo horjeesto dilkii loo geestay ninkii maddowga Mareekanka ahaa George Floyd oo 25-ka bishii May askari cadaan dilay kadib markii qoorta ka saaray jilib asigoo dhulka jiifo ilaa uu ka nafbaxana ku haayay jilibka ninkii maddowga ahaa waxaana ficilkaas arxan darada ah ka dhashay rabshado iyo mudaaharaad xoogan oo gobolo badan dalka Mareekanka ka dhaceen.

The Rock wuxuu ku cel celiyaa marwalbo Floyd inuu cadaalad u baahan yahay sidoo kalena wuxuu u dul qaadan waayay sida aan wanaagsaneyn ee madaxweyne Trump arinkan kaga fal celiyay sidaa darteed xidigan wuxuu yiri “Halkee joogtaa, aaway hogaamiyaheena ma sidaan ayaa ka daacad ah inuu u hadlo kani malahan hogaamin dhameestiran iyo xeelado uu dadka dhibkooda ku xalin karo waxaan ugu baaqayaa inuu xilka isaga dago, waxaan dalbaneynaa isbadal dhanka hogaanka in dalkeena lagu sameeyo waayo xaalada sidaan masii ahaan karto Floyd cadaalad ayuu u baahan yahay.”

Dwayne Johnson dhanka shaqada filimkisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Jumanji: The Next Level kaasi oo la daawaday dabyaaqadii 2019 wuxuuna mashruucan noqday Blockbuster taariikhi ah asigoo soo xareeyay $802m ganacsigiisa dibad iyo dal waxaana lagu qarash gareeyay lacago u dhaxeeyo $125m $132m.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here