Ebru Sahin (Reyyan) ayaa ka hadashay quruxda iyo qaab jiliinka midka muhiimsan hadaba midkee atariishadaan dooratay?

0
1549

Atariishada Ebru Sahin balse caanka ku ah magaca Reyyan ayaa ka hadashay quruxda ay leedahay iyo qaab jiliinkeeda midka agteeda ka muhiimsan ayadoo atariishadaan sheegtay in waxbadan daneyso qaab jiliinka.

Reyyan ayaa tiri; Dadka qaar ayaa sabab uga dhigo guusheyda iney salka ku heyso quruxdeyda balse taasi aniga waxaan u arkaa ihaano aniga la ii geystay waayo quruxda waa shey faaruq ah hadii aysan la socon tacliin iyo aqoon.”

Reyyan oo hadalkeeda sii wadato ayaa tiri; “ waxaan doonayaa inaan caan ku noqdo qaab jiliinkeyga ma doonayo inaan quruxdeyda caan ku noqdo, quruxda wey ku farxad galineysaa balse mid joogto ma ahaan doonto sidaas owgeed ma doonaayo in quruxdeyda guul ku gaaro”.

Reyyan ayaa hadalkeeda kusoo koobtay; “Waxaan haatan ahay 27 jir waxaana doonayaa in dadka igu soo xusuustaan inaan ahaa atariisho qaab jiliin wanaagsan aniga waxaan ahaan insaan qalbi jilcan dareena ka buuxo waxkasta oo hareeraheyga yaalaana saameyn ayay igu yeeshaan”

Sida muuqato Reyyan ayaa quruxda u aragto shey duugoobo oo markii quruxdii aad laheyd dug noqoto dadka kaa jeesan doonaan balse jiliinka uu yahay mid muhiim ah isla markaasna waqti kasta ku caawin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here