Ebru Sahin (Reyyan) oo lagu arkay iyadoo la socoto jilaaga taxanaha Cocuk ee Ismail Hacioglu mise is gaad gaad ayaa jira?

0
2411

Atariishada taxanaha Hercai iyo atooraha taxanaha Cocuk ayaa maalintii shalay aheyd la isku arkay iyagoo isla socdaan sidoo kalana si wadajir ah safar ugu ah magaalada Ankara ee caasimada wadanka Stanbull.

Ebru oo fasaxa isbuuc dhamaadka halkaas shalay ku tagtay ayaa waxay isku diyaarad raaceen jilaaga la yiraahdo Isma’il Haciogul (Ismaaciil xaaji oogluu) kaasoo qeyb ka ah jilayaasha hogaamiya taxanaha Cocuk asigoona ku jilaayo doorka Xasan oo ah wiil asigoo yar qoyskiisa deyriyeen nolol rafaad iyo dhib badana kusoo koraayo.

Ebru Sahin iyo Isma’il ayaa diyaarada dhexdeeda sawiro ku galay balse lama oga hadii uu xiriir ka dhaxeeyo iyo hadii kale oo ay diyaarada si kadis ah isugu arkeen.

Halkaan ka arag sawirka ay wada galeen kaasoo uu ismail bartiisa instagramka soo dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here