Atariishada Ebru Sahin ee loo yaqaano magaca Reyyan waxay caan ku noqotay misna shacbiyad balaaran ku heshay taxanaha Hercai ayadoo waliba taxanahaas ku mataleyso gabar asturan labis ahaan.

Hadaad u fiirsato labiska Reyyan waxaad ogaaneysaa in jireeda markasta asturanyahay markii laga reebo madaxa iyo qoorta iyadoona inta badan loo xiro dhar soo jiidasho leh misna jirkeeda dhan asturaayo.

balse xidigtaan ayaa dhawaan baraha bulshada soo dhigtay iyadoo ku labisan dhar inta badan jirkeeda qaawan yahay waxaana arinta siweyn uga falceliyay jamaahiirta xidigtaan iyagoo qaarkood dhaleeceyn badan dusha uga tuureen halka qaarka kalana ay difaaceen.

Dadka dhaleeceynaayo ayaa ku dooday iney suurad xumeysay doorkeeda Reyyan oo ahaa door si weyn looga helay isla markaasna gabar doorkaas nadiifka ah mataleyso aysan macquul aheyn iney labiskaan soo xirato.

hadaba halkaan hoose kaga bogo sawirada sida weyn la isugu qabsaday.

Related image
Related image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here