Ekta Kapoor waxaa aabo u ah Superstar Jeteendra oo Soomaalida u taqaan Faaris sidoo kalena gabadhan waxay walaalo yihiin atooraha caanka ah Tushaar Kapoor waana gabbar aflaanta iyo musal salada maal galiso oo awood ku leh Bollywood-ka iyo TV-yada waxayna haatan banaanka soo dhigtay sheeko xiiso badan.

Waxaan wada ognahay Eka Kapoor musal salkeeda ay maal galiso Naagin inuu ka mid yahay kuwa loogu jecel yahay gudaha Hindiya weliba afar xili oo kala duwan ayay sameesay Naagin oo marwalbo gudaha Hindiya dhanka TV-yada ka noqdo musal salka loogu daawasho badan sidoo kalena loogu jecel yahay ayadoo gabadhan daqli badan ka sameesay taxanahan.

Haddaba Ekta Kapoor dhawaan waxay ku fikirtay Naagin oo TV-yada Blockbuster ka noqday musal salkan inay filim ka dhigto waqt ahaana kusoo koobto 2-saac ilaa 3-saac filim soconaayo waxayna ku fikirtay inay Priyanka Chopra iyo Katrina Kaif hogaamiyaal kaga dhigto.

Ekta marka kowaad waxay kulan la qaadatay Katrina Kaif ayadoo fikradeeda u bandhigtay laakiin Katrina waxay ugu jawaabtay “Ekta cabitaanka kulul maad soo badsaday sidee macquul ku tahay filim magaca Naagin wato inaan sameyno xiligan casriga ah cidna ma daawan doonto filim Naagin la dhaho ma waxaad u maleysaa inaan 80-maadkii iyo 70-maadkii joogno ee shakadaas la noqo ma sameenaayo wax Naagin la dhaho!”

Ekta Kapoor kadib waxay la kulantay Priyanka Chopra xili ay Hindiya ka baxeesay oo safar u ahayd dibbada markii Ekta qorshaheeda Priyanka u bandhigtay “Waxay ku tiri waa fikrad wanaagsan Naagin oo filim ah inaan sameyno aniga ahaana diyaar ayuun kuu ahay aan markale kulano.”

Ekta waxay sheegtay in markii dambe Priyanka fariin usoo dirtay una sheegtay inay ka xun tahay oo aysan Naagin sameyn karin kuna mashquulsan tahay mashaariic caalami ah waxayna u rajeesay nasiib wacan inay hesho atirishooyin Naagin u sameeyaan.

Sidoo kale Ekta Kapoor waxay sheegtay inaysan ka xumeyn diidmada ay kala kulantay Katrina iyo Priyanka sidoo kalena aysan dhibsanin jawaabtii qaabka darneyd Katrina siisay madaama ay fahmi karto ujeedka hadalka Katrina inuu yahay filim magaca Naagin wato in sheekadiisa marwalbo mas ku saabsan tahay dadka ilbaxdana ahna xiligaan joogaan sheekooyin noocaas ah rabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here