Gabadha looga haray sameeynta musalsalada hindiya Ekta Kapoor ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inee gabi ahaanba joojisay howlihii ka socdeen shirkadaheeda maalgaliyaan musalsalada Tv-yada hindiya laga daawado.

Ekta waxay leedahay shirkada ugu weyn dalka India ee musalsalada maalgaliso iyo aflaamta Bollywoodka taaso lagu magacaabo Balaji TeleFilims sababte shaqada u joojisay ayaa ah inee ka hortagto caabuqa faafay ee Coronavirus.

Ekta qoraalkee baraha bulshada soo dhigtay sida tan ayuu ahaa,”anagoo raaceeno amarada dowlada iyo hay’adaha caafimaadka ee dalka waxaan go’aansanay inaan joojino gabi ahaanba howlihii ka socdeen shirkada Balaji Telefilims sido kale waxaan mudnaanta kowaad siineena caafimaadka iyo sida bulshada loo bad baadiyo.”

Ekta ayaa arinkaan ku dhawaaqday shalay oo talaado ahed waxuuna warkaan kasoo yeeray xilo axadii uu Karan Johar ku dhawaaqay inuu joojiyay howlihii shirkadiisa Dharma Productions si uu kaga hortago CoronaVirus.

Ilaa amar dambe wax musalsal ah oo Ekta shirkadeeda ka howl galeyso majirto sida ay sheegtay maadama shaqaalaha oodhan ay fasaxday qof walbana wuu is karantiili doonaa sido kale warar ayaa sheegayaan in atiriisho kamid ah atiriishooyinka Naagin 4 laga helay caabuqa.

Sikastee ahaataba Naagin 4 iyo taxanayaasha ugu caansan India ee Ekta Kapoor iska leedahay ayaa hakad ku imaan doono marba hadii shaqada shirkadeeda ugu weyn Balaji TeleFilims la joojiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here