Elizabeth Banks oo si kulul uga hadashay in filimkeeda Charlie’s Angles uusan Box Officeka sidii la rabay uga furmin iyadoona sidoo kale nimanka Hollywoodka dhaleeceyn usoo jeedisay.

0
781

Atariishada Elizabeth Banks ayaa ka hadashay in qaab hoose ku furmay filimka ay Directorka iyo jilaagaba ka tahay ee Charlie’s Angels kaasoo sidoo kalana qeyb ka yihiin atariishooyinka Hollywoodka ay kamid tahay Kristen Swewart Naomi Scott iyo Ella Balinska.

Filimka Charlie’s Angles oo 17dii bishaan kuna beegneyd jimcihii lasoo dhaafay tiyaatarada la saaray ayaa si hoose ku furmay wuxuuna maalintiisii koowaad soo xareeyay 8 Million dolar waana filim lagu qarash gareeyay 50 Million oo dolar.

Filimkaan oo ah filim Action kaasoo ay gabdho bas jilayaan ayaa ilaa haatan tiyaatarada kasoo xareeyay 30 Million mudo 5 maalmood waxayna Elizabeth Banks ka hadashay sababta uu qaabka hooseeyo ugu furmay filimkaan maadaama uu ku furmay 8 Million balse laga filaayay 12 ilaa 15 Million.

Elizabeth ayaa sheegtay in filimka loo sameynin suuq geyn baahsan taasna ay keentay in lacagaha filimkaan hoos u dhacaan waxayna sheegtay in dadkii daawadeen filimka sheekadiisa aad uga heleen isla markaasna jeclaadeen waana arinta ay ku rajo weyntahay in ganacsiga filimka sare u qaado.

Charles Angels

Dhanka kale Elizabeth Banks ayaa jilayaasha nimanka ee Hollywoodka ku eedeysay in aysan wax qiimo siinin filimada Actionka ay gabdhaha hogaamiayayaasha ka yihiin waxayna sheegtay ineysan marnaba kasoo qeyb galin xafladii furitaanka ee filimkaan ayadoona sheegtay hadii filim Action nimanka jilayaan uu ahaan lahaa ay soo buux dhaafsiin lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here