Shah Rukh Khan oo loogu yeero magacyada “boqorka jaceylka” iyo “boqorka Bollywoodka” waxay isku dhaceen dad badan oo ay kamid yihiin taageerayaashiisa, saxaafada iyo jilayaasha shirkada kala shaqeyaan.

Waxaa jirtat xili Emraan Hashmi oo atoore caan ah uu aflagaadeeyay Shah Rukh Khan balse ka qoomameeyay wixii afkiisa kasoo baxay raali gelina ka bixiyay hadaba maxaq sababay inuu sidaa kukaco Emraan goormeese ahed dhacdadan.

Waxay ahed xili shirkada SRK ay maalgalineysay Filim uu Emraan hogaamiye ka yahay kaaso lagu magacaabo Bard of Blood waana mashruuc si Online ah lagu daawaday intii lagu guda jiray xayeysiiska mashruucan ayeena sheekadan dhacday.

Intii lagu guda jiray howsha xayeysiiska SRK iyo Emraan waxay wada duubeeyn muuqaal xayeysiin ah kadibna Emraan ayaa SRK ugu yeeray labada erey ee kala ah “Dabba” iyo Dhakkan” waana ereyo anshax-xumo ah misane aflagaado ah inkastoo ereyadaas Filimkiisa kudhexjireen hadana ma habooneenin inuu Superstar weyn ku aflagaadeyo.

Emraan ayaa ka xumaaday ereyadaas lamafilaanka ah ee afkiisa kasoo baxeen isagoo SRK kusifeynaayey gadaal dambe ayuuna ka raali galiyay Khan oo lagu yaqaano inuusan ka cuqdad qaadanin dhacdooyinka noocaas ah ayaa soo dhaweyay cudur daarka Hashmi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here