Emraan Hashmi oo xeyrta doorada ku eedeeyay inuu maanta yeelan waayo Sixback.

1
576

Jilaaga Emraan Hashmi ayaa dad badan ka yaabsaday kadib markii uu Instagramka kusoo biiray talaadadii lasoo dhaafay asigoona maanta soo dhigay sawir uu feero qaawanyahay xili calooshiisana banaanka timid.

Imraan Hashmi oo qaar kamid ah murqaha calooshiisa banaanka yaaleen asigoona lahaa 4 muruq balse ay ka maqnaayeen 2 muruq ayaa eeda dusha ka saaray xeyrta doorada.

Sawirka uu soo dhigay bartiisa Instagramka ayuu kuso dul qoray; “Haatan waxaan leeyahay misna soo muuqdo 4 muruq balse labada maqan wey soo muuqan lahaayeen hadii aanan cuni laheyn doorada hilibkeeda, laakiin haatan waxba haka walwalina jidka ayay kusoo jiraan”.

Hadalkaan ayaana noqday mid maad iyo qosol ah sidoo kalana saxaafada hadal heyso.

Dhanka shaqada Emraan Hashmi ayaa kasoo muuqan doono filimka Mumbai Saga kaasoo uu hogaaminayo jilaag John Abraham, waxaana soo saare ka ah Sanjay Gupta asigoona ku matali doono doorka askari sideetamaadkii noolaa.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here