Superstar Rishi Kapoor wuxuu geeriyooday 30-kii bisha April ama Khamiistii aan kasoo gudubnay asigoo xanuunka kansarka haayay labadii sano ugu dambeesay inkastoo gudaha Mareekanka sanadkii hore lagu soo daaweeyay haddane xanuunkan bishii Febraayo ayuu kusoo laabtay ugu dambeyntiina wuu u geeriyooda asigoo 67-jir ah.

Emraan Hashmi oo ay Rishi Kapoor isla sameeyeen filimkiisii ugu dambeeyay masraxa loo saaay The Body lana daawaday 12 December 2019 ayaa ka hadlay arimo ku aadan sheekadii isaga iyo Rishi dhex mari jirtay madaama jadwal 40 ilaa 45-maalmood filimkii The Body isla duubeen.

Emraan wuxuu yiri “Aadban kaga naxay geeridii ku timid Rishi waxaan wada qaadanay waqti wacan intii aan wada duubeenay filimkeenii The Body weliba jadwal bil iyo bar ah ayaan wada duubnay inta badana wuxuu wax iga wey diin jiray xaalada wiilkeyga Ayaan oo horey xanuunka kansarka kaga soo kabtay wuxuuna i dhihi jiray wiilkaaga waa geesi.”

Emraan ayaa sidoo kale sheegay inuu ka naxay markii loo sheegay in Rishi kansar laga helay oo Mareekanka loo duuliyay “Waan ka naxay markii aan maqlay in Rishi kansar ku dhacay oo Mareekanka loo duuliyay balse waxaan ku kalsoonaa inuu kasoo kaban karo madaama uu geesi ahaa laakiin ugu dambeyntii wuu geeriyooday anagoo u wada baahan waxaana dhihi karaa qof weyn ayaa fanka Hindiya ka baxay.”

Ugu dambeyntii Emraan Hashmi wuxuu sheegay inuu wax badan ka bartay Rishi Kapoor dhanka shaqada filim jilista wuxuuna ku tilmaamay qof fur furan oo shaqo jecel sidoo kalena xili walbo dadka ku dhiiri galiyo inay xirfadooda hormariyaan saaxiibna la noqdaan filim sameeyayaasha ay la shaqeenayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here