Emran Haashimi waa jilaa caan ah kana mid ah atoorayaasha Bollywoodka, magaca “Serial Kisser” ayuu ku caan baxay xidigaan isagoo sameeyay Filimo badan oo atiriishooyin badan shaashada dareen kula wadaagay.

Haashimi ayaa afkiisa ka sheegay inuu jaceyl uqaaday qof dumar ah misane xaas ah wareysigan 2005 ayuu bixiyay misane uu shaaca kaga qaaday waana kahor inta uusan Bollywoodka soogalin markee arinkaan qabsaneysay.

Mudo ayuu jeclaa balse ma uusan ogeyn inee xaas tahay sida uusheegay xiriir ayuuna la sameeyay iyadana markii hore uma aysan sheegin inee xaas tahay oo haasawihiisa ayeeba la dhacday.

Waxuu yiri Emran oo ka sheekeynayaa arinkaan,”waxaan jaceyl u qaaday haweeyney marwo xaas ah mana ogeyn markii hore inee xaas tahay balse markaan ogaaday inee xaas tahay waan isku yaxyaxay si dhaqsi leh ayaana nolosheeda oga baxay xiriirkiina ku joojiyay.”

“Run ahaantii jaceylka indho maleh waa run inaa jeclaaday laakiin qof xaas ah ayee igu noqotay waana liqay jaceylkeyga” arinka xiisaha leh ayaa wuxuu yahay in Emran sheekada qabsatay iyadoo Filim ahaana uu sameeyay.

Filimka Murder waxuu jeclaana sida uu kujilaayo Malika Sherwat oo xaas ah inkastoo qisada nolosha dhabta ah isaga qabsatay iyo Filimkaas aad ukala fogyihiin dhanka kale Emran waxuu guursaday gabadha lagu magacaabo Parveen Shahani oo uu la noolyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here