Engine Akyurek oo taxanaha Sefirin Kizi owgiis garka iyo shaarbaha uu caanka ku ahaa isaga xiiray. Sawiro.

0
939

Jilaaga caanka ah ee reer Turki Engin Akyurek ayaa iska xiiray garka iyo shaarbaha si uu uga dhabeeyo doorkiisa taxanaha Sefirin Kizi kaasoo ay la wado atariishada Neslihan Atagul.

Taxanahaan oo kamid ah taxanayaasha sida weyn loo sugaayo sanadkaan ayaa haatan waxaa ku socotaa duubis waxaana la filaa in dhawaan toos loosii deyn doono balse arinka xiisaha leh ayaa ah inaad arki doontaan Engin oo aan laheyn wax gar iyo shaarbo ah.

Engin taxanayaashii uu horay u sameeyay wuxuu ku caan ahaa garka iyo shaarbaha balse taxanahaan ayuu la imaan doonoo asigoon labadaba laheyn waana arin ay taageerayaashiisa aad u hadal haayaan xili qaarkood ku doodayaan in garka iyo shaarbaha uu siweyn ugu qurxanaa.

Hadaba halkaan hoose ka arag sawirada;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here