Erling Haaland oo khadka taleefanka kula soo xiriiray macalinka kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjear ma waxaa la gaaray xilii Haaland United ku biiri lahaa?

0
718

Erling Haalandlaacibka kooxda reer Austria Red Bull ayaa lagu soo waramayaa inuu khadka taleefanka kula soo xiriiray maclinka kooxda kubadda cagta Manchester United Ole Gunnar Solskjear asigoona u sheegay inuu diyaar u yahay ku biiristiisa United.

Sida ay qortay shabakada Goal oo soo xiganeyso Dail Mail Haaland ayaa doonayo inuu lamidoobo macalin Ole oo ay horay usoo wada shaqeeyeen sidoo kalana isku wadan kasoo jeedaan ayadoo ay macquul tahay in Haaland isla bisha dambey ee Jnaayo United usoo wareego.

Haaland kooxdiisa Red Bull ayaa sheegtay ineysan marnaba laacibka kahor joogsan doonin hadii uu qaato go’aan uu uga tagaayo kooxda bisha Janaayo isla markaasna ay la xaajoon doonaan kooxdii dalab macquul ah kasoo gudbiso.

Ole ayaa diyaar u ah inuu xidigaan lasoo wareego hase yeeshee caqabada ugu weyn ee uu la kulmi karo ayaa waxay tahay wakiilka xidigaan ee Mini Riola kaasoo maamulka kooxda Manchester United horay isugu dhaceen khaasatan gudoomiya Manchester United ee Ed Woodward mana doonayaan maamulka kooxda in wakiilkaan la macaamilaan.

Dhanka kale Mini Riola qudhiisa ayaa doonayo in xidigaan uu geeyo kooxda Juventus asigoo aanan dooneyn iney la wareegto Manchester United waxaana xusid mudan in xidigaan sidoo kale ay isha ku haayaan kooxo Germany ka dhisan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here